Xisbiga midigta-fog ee Geert Wilders oo dumiyay dowladda Netherlands

Arbaco, 04-Juunyo-2025 [JSN] The Hague – Dowladda Netherlands ayaa dhacday kaddib markii xisbiga midigta-fog ee Freedom Party (PVV), oo uu hoggaamiyo Geert Wilders, uu si rasmi ah uga baxay isbaheysigii afarta xisbi ee hayay talada dalka. Go’aankaas ayaa yimid kadib khilaaf aad u weyn oo ka dhashay arrimaha socdaalka iyo siyaasadda magangalyada, kuwaas oo muddo bilo ah ruxayay saldhigga dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Dick Schoof ayaa Talaadadii is-casilay, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isagoo warqad is-casilaad ah u gudbiyay Boqor Willem-Alexander. Sida uu sheegay, wasiirrada kale waxay sii ahaan doonaan xil-sugayaal ilaa doorashooyinka cusub, oo la filayo inay dhacaan bisha Oktoobar.

“Waxaan gaarnay heer aan taageero siyaasadeed ku filan haysan,” ayuu Schoof u sheegay warfidiyeenka kadib kulan degdeg ah oo golaha wasiirrada lagu qabtay The Hague. Wuxuu sheegay in go’aanka Wilders uu yahay “mas’uuliyad-darro aan loo baahnayn” xilli waddanku wajahayo dhibaatooyin amni iyo dhaqaale oo isbiirsaday.

Geert Wilders, oo xisbigiisa xag-jirka ah ee Freedom Party uu noqday kan ugu kuraasta badan baarlamaanka doorashadii ugu dambeysay, ayaa ku dhawaaqay inuu juhdi badan gelin doono doorashada soo socota si uu markan u noqdo ra’iisul wasaare. Wuxuu ku dooday inuu saxiixay siyaasadda ugu adag ee magangalyada, balse aysan jirin rabitaan dhab ah oo lagu fulinayo qorshayaashiisa.

Qorshayaashiisa waxaa ka mid ahaa:

  • In ciidamada milateriga loo adeegsado ilaalinta xuduudaha
  • In la xiro dhammaan xarumaha qaxootiga
  • In la celiyo dhammaan magangalyo-doonka xadka ku yimaada
  • In la joojiyo nidaamka Midowga Yurub ee dib-u-qaybinta qaxootiga
  • In la masaafuriyo qaxootiga Suuriya

Qaar badan oo ka mid ah qodobadan waxaa lagu tilmaamay kuwo jebinaya xeerarka xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay saxiixday Netherlands.

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada kale ee isbaheysiga – VVD, BBB iyo NSC – ayaa si kulul uga falceliyay go’aanka Wilders. Dilan Yeşilgöz, hoggaamiyaha VVD, ayaa ku tilmaantay go’aankaas mid “super-irresponsible” oo uu wadanku ku luminayo xasillooni iyo kalsooni siyaasadeed.

“Waxaan haynay aqlabiyad midig ah, isagaa dumiyay, dantiisa ayuu ka hormariyay tan dalka. Tani waxay nagu soo bandhigeysaa sida doqonno, wuxuuna ka cararay mas’uuliyadda xilli ay jirto hubanti la’aan weyn,” ayay tiri Yeşilgöz.

Caroline van der Plas (BBB) iyo Nicolien van Vroonhoven (NSC) ayaa iyaguna muujiyay caro iyo niyad jab, iyagoo ku eedeeyay Wilders inuu waddanka hoos u dhigay si uu u buuxiyo dano siyaasadeed oo shaqsiyeed.

Inkasta oo isbaheysiga harsan uu sii wadi karay xukunka sida dowlad tirada yar, haddana inta badan xisbiyadu waxay doorbideen in doorasho degdeg ah la qabto. “Dalka wuxuu u baahan yahay dowlad adag oo mowqifkeedu cad yahay,” ayay Yeşilgöz tiri. “Doorasho waa in si degdeg ah loo qabtaa.”

Doorashada la sugayo ayaa noqon doonta mid go’aamin doonta in xisbiga Wilders uu sii wato kororka taageerada shacabka, mise shacabka reer Netherlands ay dooran doonaan siyaasad deggan oo dhexdhexaad ah.

JSN

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *