Shirkad Air India ku dhacday Ahmdebad

Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Air India ayaa ku dhacday xaafad ka tirsan magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya. Diyaaradda, oo ay saarnaayeen 242 qof, waxaa ka mid ah rakaab kala duwan oo ka yimid dalal kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in 169 qof ay ahaayeen Hindi, 53 qofna ay ahaayeen Ingiriis, 7 qofna ay ahaayeen Boortaqiis, iyo 1 qof oo ahaa Kanadiyaan. Ilaa hadda, cid ka badbaaday shilkaas ma jirto.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ahayd nooca Boeing 787-8.

Raisal Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, iyo madaxda kale ee caalamka sida Raisal Wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay shilkaas iyo qoysaskooda.

Baaritaano ayaa weli socda si loo ogaado xaaladda dhammaan dadka ku lugta leh shilka iyo wixii ku dhacay deegaanka ay diyaaraddu ku dhacday.

Diyaarada Boeing 787 Dreamliner ayaa waxaa samaysay shirkada Boeing ee wadanka Maraykanka, diyaaradaan ayaa ka mid ah diyaaradaha casriga ah, hadana haddii khadarta Alle timaado sida Alle ayay waxwalba u dhacayaan.

Inkastoo baaritaano socdaan sababta keentay in diyaaradaan dhacdo markii ay durba kacday ayaan la shaacin, laakiin waxaa dhici karto in shimbiraha u galeen matoorka halkaasna uu shilka sababay, cilad tekniko ah ayaan iyadana meesha ka marnayn, waxaan sugaynaa inagoon hordhicin baaritaanka socda.

Xiriir la leh qormadaan: Sky News, Air India Crash

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *