Axad 18-Maajo-2025 [JSN] Dowlada Qadar ayaa siisay diyaarada M/weyne Trump taasoo keentay in hogaamiyayaal badan oo reer Yurub ah ka maseyraan hadana si kaftan ah u soo galiyey shabakada internet-ka aaway teenii ? iyagoo ula jeedo anagana mana illoobay.
Safarkii Madaxweyne Traamb afarta beri ahaa ayaa waxaa laga dheehan karaa in Carabtii ay u
kala cararaan iyadoo wadan kasta uu bixiyey lacago iyo heshiisyo badan, tani waxay ahayd
waxyaabaha guud ee warbaahinta iyo caamada loo sheegay ee lagu marin habaabinaayey.
Maxaan la sheegin oo qarsoon
Iyadoo xasuuqa, dilka, barakicinta iyo burburinta Qaasa socoto ayaa cid isku soo hadal qaaday aysan jirin
taasoo laga dheehan karo in heshiis lagu wada yahay xasuuqa iyo barakicinta.
Sacuudiga oo si qarsoodi ah ula galay Maraykanka in ay helaan hubka Nukliyeerka si haddii ay Iiraan usoo weerarto isaga caabiyaan, taasoo aan la soo bandhigin lana shaacin tanina waa sababta keentay in ay afka iyo indhahaba ka furaystaan xasuuqa Qaasa.
Sirta qarsoon
Hadafka Sacuudiga loo siinaayo hubka nukliyeerka waa in dagaalo la iclmaamiyo u dhaxeeya Sunnaha iyo Shiicada oo uu Sacuudiga hormuud u yahay. Sacuudiga wuu haystay dhaqaale ay ku kasban karaan awood hubka Nukliyeerka oo wadamo ka dhaqaale yar ayaa kasbaday sida wadanka Bakistaan oo uu hadda dagaal ku socdo u dhaxeeyo iyaga iyo Hindiya oo isku haysta gobolka Jaamu iyo Kashmiir oo dadka ku dhaqan u badan dad Muslimiin ah.
Imaaraadka Carabta
Imaaraadka ayaa si toos ah ugu biiray sahyuuniyada caalamiga oo muqalas noqday meelo badan oo adduunka Muslimka ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay una badan inay maalgeliyaan Alshabaab.
Imaaraadka wuxuu si toos uga abuuray dagaalo wadamada Yaman,Suudaan, Soomaaliya iyo Liibiya oo dowladood ay rideen markii ugu horeysay ebed ay si toos ah uga qayb qaateen iyagoo diyaarado dagaal oo dumar wadaan ku weeraray wadankaas.
Wadamada Khaliijka ayaa ku tartaamaayey raaligelinta Traamb taasoo keentay in Imaaraadka dumarkood oo madax qaawan u soo bandhigaa iyagoo ciyaarta timaha
ugu soo bandhigay Traamb.