Taariikhda la ilaaway: Tuuladii Soomaalida ee la soo bandhigay Bandhiggii Weyn ee Bradford 1904

Isniin, 9-Juunyo-2025 [JSN]: Xagaagii 1904, malaayiin qof ayaa isugu soo baxay magaalada Bradford ee UK si ay uga qaybgalaan bandhig weyn oo loo arko inuu yahay kii ugu ballaarnaa abid ee halkaas lagu qabto. Waxaa ka mid ahaa madadaallo caadi ah oo la xiriira carwooyin, tijaabooyin lagu muujinayay awoodda warshadaha magaalada, iyo – waxyaabaha ugu yaabka badan – tuulo Soomaali ah oo “nool”.

In ka badan 120 sano kaddib, koox taariikhyahanno ah ayaa hadda isku dayaya inay dib u ururiyaan sheekooyinkii dadka ku noolaa tuuladan xiran ee lagu dhisay gudaha beerta Lister Park, isla markaana gacan ka siinaya bulshada Soomaaliyeed ee UK inay dib ula wareegaan sheekadooda.

Bandhiggan ayaa la sheegay inuu soo jiitay ku dhowaad 350,000 oo qof oo tigidh lacag ah ku galay. Waxaa lagu soo rarray ilaa 100 qof oo Soomaali ah – rag, dumar iyo carruur – oo laga keenay Geeska Afrika, kuwaas oo lagu soo bandhigay in muddo ah lix bilood ah.

“Waa sheeko taabaneysa nolosha dad gumeysi lagu hayay, la midab takooray, balse iyagu si gaar ah ugu muujiyay is-difaacid iyo adkaysi nololeed,” ayay tiri Prof. Fozia Bora oo ka tirsan Jaamacadda Leeds. “Waxaan si dhab ah u rabnaa inaan sheekadan la wadaagno dadka reer Bradford iyo guud ahaan dalka.”

Zainab Nur, oo ah guddoomiyaha hay’adda cusub ee Somali Village, ayaa sheegtay: “Inkastoo bulshada Soomaaliyeed ay ku nooleyd qaybo badan oo UK ah muddo ka badan 150 sano, cidina ma ogeyn wax ku saabsan tuuladii Soomaalida ee Bradford.”

Mashruuca ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay inuu raad-raaco cidda laga yaabo inay yihiin faraca dadkii la keenay 1904, maadaama aan la hayn wax badan oo laga yaqaan noloshoodii kadib bandhigga.

Diiwaanada taariikheed waxay muujinayaan in kooxda Soomaaliyeed ay deganaayeen guryo ay iyagu dhisteen, waxayna si maalinle ah u samayn jireen bandhigyo dhaqameed sida ciyaaro, warmo-tuuryo iyo qaanso-tooyo. Waxa kale oo ay muujiyeen xirfado ay ku jireen tolidda, bir-tuubidda iyo iibinta alaab gacmeedyo ay sameeyeen.

Warbixin rasmi ah oo waqtigaas la qoray ayaa sheegtay in “dadkan ay ilaaliyeen dabeecaddooda soo jiidashada leh, isla markaana ay si sharaf leh u wajaheen xaaladaha cimilada adag ee Yorkshire.”

Prof. Bora, oo ah khabiir ku takhasusay taariikhda Islaamka, ayaa sheegtay in mashruuca uu doonayo inuu “dib u rogo indhihii u eegayay Soomaalida sidii dad shisheeye, yaab leh, xitaa liita.”

“Qofka Soomaaliga ah waqtigaas waxaa lagu fiirin jiray muraayado badan – mid yaab leh, mid u arka wax la jeclaan karo, midna u arka wax aan caadi ahayn,” ayay tiri. “Laakiin mashruucu wuxuu isku dayayaa inuu sheekada ka dhigo mid ka timid dhinaca Soomaalida lafteeda.”

Ms. Nur waxay xustay in mashruucu yahay fursad muhiim ah: “Ma ahan in loo arko kaliya sidii bandhig gumeysi ee ka mid ahaa taariikhda Ingiriiska, balse waa dhacdo muhiim ah oo qayb ka ah taariikhda dheer ee Soomaalida ee socdaalka, hal-abuurka dhaqanka iyo iska caabbinta.”

Ms. Nur, oo ah gabadh Soomaali ah oo ku dhalatay UK, isla markaana awoowayaasheed ay yimaadeen intii lagu jiray kacaankii warshadaha, ayaa sheegtay in ogaanshaha bandhiggaasi uu dhaliyay su’aalo badan:
“Waxaan is iri: Waa maxay tan? Ma la soo bandhigay? Ma lagu khasbay? Ma wax la mid ah ‘xayawaanka bini’aadamka ah’ ayay ahayd?”

Mashruuca iskaashiga ah iyo hay’adda la xiriirta ayaa si rasmi ah loogu daah-furay xaflad ka dhacday Cartwright Hall, meel u dhow halkii tuuladu ku taallay sanadkii 1904 mudo hadda laga joogo 121 sanno.

Joornaalka Soomaalida Nederland faraciisa London UK

Xiriir la leh qormadaan:

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *