Rachel Reeves waxay isku dayday in ay “dawo kulul macaan” uga dhigto dib-u-eegista kharashaadka dowladda, ayey tiri The Times, iyadoo labo maalmood ka hor intaanay shaacin qorshahaasi ku dhawaaqday in ay dib u soo celinayso lacagta gargaarka qabowga jiilaalka ee malaayiin dad waayeel ah. Dadka dakhligoodu ka hooseeyo £35,000 sanadkii ayaa mar kale heli doona deeqdan – hase yeeshee, waa in aan sugnaa ilaa miisaaniyadda dayrta si aan u ogaanno sida Wasaaradda Maaliyaddu u dabooli doonto kharashka £1.25 bilyan ee la filayo.
Saameynta dhaqaale ee dib-u-laabashadaas lama oran karo way weyn tahay, ayey tiri Daily Mail, balse qaabka khaldan ee arrintan loo maareeyay ayaa dhaawac weyn u geystay sumcadda Wasiiradda Maaliyadda, taas oo meesha ka saartay fikraddii ahayd in ay tahay hoggaan deggan oo lagu kalsoonaan karo marka ay timaado maaraynta dhaqaalaha.
Kadib wada-hadallo adag oo xilli dambe dhacay oo ay la yeelatay asxaabteeda, Rachel Reeves waxay toddobaadkan soo bandhigtay dib-u-eegistii ugu horreysay ee kharashaadka dowladdu. Qorshahaas wuxuu muujinayaa mudnaanta dowladda, isagoo qeexaya inta ay heli doonaan wasaaraduhu si ay u bixiyaan kharashaadka maalinlaha ah ee saddex sano miisaaniyadeed ah – laga bilaabo 2026/27 ilaa 2028/29 – iyo sidoo kale heerka maalgelinta mashaariicda waaweyn ee la qorsheeyay sanadahaas iyo kan xiga.
Wasiiraddu waxay ku dhawaaqday maalgelin £113 bilyan ah oo dhinaca mashaariicda waaweyn ah, taasoo deyn lagu daboolayo. Waxay sheegtay in tani kaalin weyn ka qaadan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa Britain. Maalgashigaasi wuxuu ku bixi doonaa tamarta nukliyeerka, guryaha bulshada iyo kuwa la awoodi karo, kaabayaasha gaadiidka ee maxalliga ah, iyo mashaariicda cilmiga iyo tiknoolojiyadda.
Waxay Reeves rajaynaysaa in fariimaheeda rajo-gelinta ah ee ku saabsan “maalgashi iyo horumarin” ay yareeyaan dhaawicii siyaasadeed, ayey tiri The Guardian. Waxaa si gaar ah loo soo dhaweeyay £15.6 bilyan oo dheeraad ah oo loo qoondeeyay mashaariicda gaadiidka ee dibadda ka ah koonfur-bari England.
Si kastaba ha ahaatee, lama qarin karo xaqiiqda ah in mustaqbalka kharashaadka maalinlaha ah ee wasaaradaha intooda badan uu yahay “mid mugdi ah”. Culeyskaasi wuxuu sabab u yahay in – “ku dhowaad markii ugu horreysay tan iyo 1980-meeyadii” – labadaba miisaaniyadda difaaca iyo tan NHS (adeegga caafimaadka) ay sare u kacayaan hal mar, iyadoo sababtu tahay khatarta ka imanaysa Ruushka iyo saameynta sii socota ee Covid-19, ayey tiri The Sunday Times. Sidaa darteed, lacagaha waa in si taxaddar leh loo isticmaalo.
Miisaaniyadda NHS waxay kor u kici doontaa 3% sanadkiiba, halka kharashaadka difaacuna uu noqon doono 2.5% GDP-ga sannadka 2027. Dugsiyaduna sidoo kale waxay heli doonaan koror ka badan heerka sicir-bararka. Si kastaba, wasaaradaha aan la difaacin, sida xafiiska Yvette Cooper (Arrimaha Gudaha) iyo wasaaradda Guryeynta iyo Dowladaha Hoose ee Angela Rayner, ayaa wajahaya hoos u dhac dhabta ah ee kharashaadka maalinlaha ah.
JSN
Isha: Own editorial
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl