The Hague, Netherlands — Iyadoo hoggaamiyeyaasha caalamku ay ku kulmayaan World Forum maalintii labaad ee shir-madaxeedka NATO, waxaa dhacay isku-dhaf xoogan oo ah ballanqaadyo militari, shirar diblomaasiyadeed, rabshado waddooyinka ah, iyo isbeddelo lama filaan ah. Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad cusub oo ah kordhinta kharashka difaaca iyo wada-hadallo muhiim ah oo u dhexeeya madaxda sida Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky.
🔺 NATO oo Ku Dhawaaqday Kordhin Taariikhi ah oo Kharashka Difaaca ah
Dowladaha xubnaha ka ah NATO ayaa ku heshiiyay in ay kordhiyaan miisaaniyadda difaaca ee dalka illaa 3.5% GDP-ga, iyo 1.5% dheeri ah oo lagu bixinayo arrimaha la xiriira difaaca sida amniga internetka, hal-abuurnimada iyo saadka.
“Warshadahayagu waa in ay wax badan soo saaraan, si degdeg ah, oo si hal-abuur leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Dick Schoof, oo martigeliyay shirka. “Shaqadii dhabta ahayd hadda ayay bilaabantay.”
Kordhintaasi waxay timid xilli ay jirto cabsi weyn oo amni, sida duullaanka Ruushka ee Ukraine, taas oo ka dhigan in NATO ay u janjeertay in ay noqoto mid diyaarsan oo madaxbannaan.
Iyadoo ay lagama maarmaan tahay in wadan kasta kordhiyo difaaciisa ayaa hadana khubaro badan waxay qabaan in goodinta iyo cagajuglayntiisa ay keentay in la dardar geliyo lana kordhiyo kharashka difaaca wadamada iskula jira gaashaanbuurta Naato, hadana Naato maaha mid ka shaqayso nabada caalamka iyadoo tacadiyo badan ka geeysatay meel badan sida Ciraaq, Afganistaan, Liibiya, Yaman iyo Suudaan taasoo abuurtay in dad badan wadamadooda iskaga qaxaan oo ay noqdaan qaxooti u soo baqoolay wadamadii iskula jiray Naato. Waxaa kaloo ay afka indhahaba ka furaysteen xasuuqa, barakicint, burburinta Qaasa iyagoo sahayda, saanada iyo hubka wax lagu gumaadayey bixinaysay.
Trump & Selenskiga Yukreeyn
Madaxweynihii Donald Trump ayaa shirkaan si gaar ah ugula kulmay Selenskiga Yukreeyn oo ay horey isku maandhaafeen mar uu aqalka cad booqasho ku tagay, sida dhabta ah waxaa lagu heshiin waayey macaadiinta iyo kheyraadka Yukreeyn sidii loo kala qaybsan lahaa iyaadoo si cad loo soo bandhigay saamiyada la kala qaadanaayo taasoo keentay in la isku maandhaafo.
Isbeeyn ayaa diiday misaaniyada lagu kordhinaayo qaaraanka Naato boqolkiiba shan [5%], Trump ayaa u digay in uu ku soo rogi doono cunaqabatayn haddii ay kordhinwaayaan qaaraanka Naato.
Wuxuu sheegay in uu shirkiisa jaraa’id ku guulaystay: “Waan ka baxay, waana ka gudbay.”
M/weynaha Ukraayn oo shirka ka soo qaybgalay
Madaxweyne Saleneski iyo Trump oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii taageero dheeraad ah uga heli lahaayeen Maraykanka iyo xulafadiisa gaashaanbuurto Naato, Saleneski wuxuu codsadau om ta shirka socday sidii ay u heli lahaayeen hubka difaaca cirka iyadoo la iscticmaalayo shaqaalaha jaban ee Yukreeyn. M/weyne Saleneski ayaa ka mid ah bulshada Yuhuuda ee laga tirada badanyahay ee wadanka Yukreeyn.
Waxaa la isku dhaafsaday xogo la xiriira goobaha dagaalka Yukreeyn iyo sida ay wadamada Naato u taageeri lahaayen maadaama Yukreeyn iyo Yurub oo la isku daray in ay babac dhigi karin Ruushka.
Gaashaanbuurto Naato ayaa dagaalka xagga danbe ka wada sida qalabaynta hubka, sahayda iyo sirdoonka. Dagaalkan ay la isku mari waayey una badan haddii xal loo heli waayo in uu keeno cawaaqibo xumo wiiqda nabada
✊ 200 Dibadbaxayaal ah oo Lagu Qabtay The Hague
In kasta oo madaxda adduunku ay shirayeen, haddana waddooyinka The Hague waxaa buux dhaafiyay dibadbaxayaal. Qiyaastii 200 qof — oo badankood ka tirsan ururka Extinction Rebellion — ayaa la xiray kadib markii ay isku dayeen in ay xiraan waddada weyn ee A12, taas oo ay mamnuuc tahay in lagu dibadbaxo.
Booliiska ayaa u isticmaalay baabuur waaweyn si ay meesha uga saaraan, waxayna ugu dambayn dibadbaxayaasha u wareejiyeen Malieveld, halkaas oo loo ogolaaday in ay si nabad ah ugu mudaaharaadaan.
Bannanbaxyadaan ay dhigaan kooxdaan Extinction Rebellion waa kuwa aad moodo in ay dowlada ka warqabto iskuna hadaf yihiin kuwa lagu marin habaabinaayo rayil caalamka adduunka kuwaan oo u ololeeya isbedelada cimilada[Climate change] iyagoo ku andoocoonayo in la joojiyo soo saarka shidaalka adduunka gebi ahaan iyadoo baa qooda khubarada ayan isku raacsanayn oo shaqsiyaad gaar ah ku adeeganayaan arrintaan cabsigelinta ku dhisan taasoo wiiqayso xorriyada shicibka iyo ikhtiyaarka ay dadka u leeyihiin in noloshooda xor u ahaadaan.
Wadanka Turkiga
M/weyne Erdogan ayaa shirkaan lagu qabtay magaalada maamulka wadanka Nederland ee De Hague, Turkiga waa wadanka kaliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Naato oo ah gaashbuur ama kalaabk masiixi ah sida uu mar sheegay R/wasaarihii hore ee Jarmalka Helmut Kohl,
Ra’iisul Wasaare Schoof oo ku sii sime ah ka diba markii dowladiisii ay dhacday ayaa sheegay in shirka xiga ee Naato uu ka dhici doono wadanka Turkiga. shirkan oo lagu dejiyay himilooyin cusub iyo isbedello amni oo degdeg ah.
Gunaanad & gebgebo
Magaalada Dehayg The hague – Den Haag] oo uu shirka ka dhacaayey ayaa dhamaanteed la go doomiyey si loo illaaliyo nabadgelyada shirka Naato,
Maadaama Naato ay noqotay gaashaanbuur dagaal ayay hadana waxay ku darsatay mid qayb ka ah hurisana colaadaha ka taagana adduunka oo dhan halisna ku ah nabad u wada noolaanshaha bulshoweynta adduunka qaasatan wadamada Muslimiinta oo ay dagaalada intooda badan ku socdaan.
Gumaystihii hore
Wadamada gumaystayaashii hore ayaa kalaabkan samaystay iyagoo hadafkooda koowaad uu yahay in ay iyaga isku difaacaan, mid labaadna ay fikradahoodii gumaysi u sii wataan wadankii ka hor yimaadana ay dowladiisa u ridaan ka dibna xukunka ay u dhiibaan dowlad maqaarsaar ah oo danahooda fuliya.
Tacadiyada Gaashaanbuurto Naato
Tacadiyo badan ayay gaashaanbuurtaan ka geystay inta ay jirtay wixii ka danbeeyey dagaaalkii labaad ee Yurub ka dhacay [1939-1945], waxaa la abuuray wixii ay ugu yeereen dagaalkii qaboobaa oo ay aakhirkii Midowgii Sofiyeeti ee hore ay ugu jabiyeen wadanka Afganistaan sannadkii 1979 taasoo ahayd khayaano dhalinta Muslimiinta loo maleegay oo iyaga la isticmaalay kacaankoodii ay ku doonayeen in ay ku helaan xorriyad iyo madaxbanaani u helaan diiintooda Islaamka. Markii laga gaaray danihii laga lahaa waxaa loo badalay eedaymo iyaga lagu wiiqaayo illaa maanta.
Bariga dhexe
Mandiqada bariga dhexe lama Naato uma oggola in ay aayahooda ka taliyaan oo waxaa xukunka haya dowlado gacmo ku rimin ah oo si toos ah ula shaqeeyo gumaystaha jiyo xulafadooda. Waxaana tusaale kuugu filan xasuuqa Qaasa.
Iyadoo xasuuqa socdo ayay Israaiil weerar hor leh oo gardaro ah ku qaaday wadanka Iiraan taasoo keentay burbur iyo barakicin hor leh. Waxaa meesha ka baxay xiriirkii caalamiga ahaa oo horeyba rati kacsi u ahaa.
Ma Qaramada Midowday Mise Qayaanada Midowday ?
Qaraarada ka soo baxa Qaramada Midowday ayaa badankood markii ay tacadi geysato Israaiil waxaa codka fiitada oo ah taageero diblomaasi hor dhiga qaraar kasta oo bulshada caalamka hor dhigto, Maraykanka intaas kuma eka wuxuu kaloo siiyaa kuwa hiil iyo hooba dhinac dhaqaale iyo mid hub ah.
ww socotaa …………………………….