Banaanbax weeyn oo ka dhacay Rotterdam looga soo horjeeda xasuuqa Qaasa

Isniin, April 21, 2025 (SDU) Banaan bax weeyn oo ay soo qabanqaabiyeen koox imaamyada Nederland ah ayaa ka dhacay magaalada Rotterdam.
Dibad baxyadaan ayaa dowlada hoose Rotterdam sheegtay in dad ka badan 10 kun oo qof ay ka soo qaybgaleen una dhacay si nabad ah oo ay xasilooni ku jirto.


Banaanbaxayaasha ayaa dibad baxooda uga soo horjeedeen burburinta dilka, barakicinta iyo xasuuqa ka dhanka ah dadka iyo dalka Falastiin oo Yuhuuda xoogga ku haysato oo adduunkana dhagaha ka furaysteen, qaasatan siyaasiyiinta Nederland.

Waxyaabaha xasuuqa Qaasa uu banaanka soo dhigay waxaa ka mid ah in Midowga Yurub iyo Maraykanka iyo Yuhuuda ku heshiiyeen halhayska dhahaayo wanka macasha ii qabo ama gowrac ii mari dhiigana aan muudsado.
Waxaa intaas ka sii daran in wadamada Muslimiinta qaasatan kuwa Carabta ay wax talaabo ah ka qaadin moodana in ay heshiis ku galeen in Qaasa shicibka la gumaado lana barakiciyo sida aan ka arkayno baraha bulshada iyadoo cadaan ah oo cidna laga qarinayn.

Waa xasuuqii ugu yaabka badnaa ebed oo dadkii dambiga galaayey ay isku soo bandhigaan baraha bulshada iyagoo gabood falka geysanaayo.

Xiriir la leh qormadaan : Banaanbax Rotterdam

JSN

Wixii faah faahin ah nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *