Israaiil ayaa shaacisay in ay weeraro ku qaaday meelo kala gedisan oo wadanka Iiraan ah. Israaiil ayaa ugu magacdartay weerarkaan howlgalkii Libaaxa soo kacay [IOperation raising lion].
Israaiil ayaa mudo ku taamaysay in ay weerarto Iiraan iyadoo ku andoocanays in hubka Nukliyeerka ee Iiraan uu maraayo marxalad ay ku samaysan kartobam Nukliyeer ah, taasoo aan la xaqiijin cadaymo aysan Israaiil soo bandhigin. Maaha markii ugu horeysay ee ay Israaiil ku eedayso Iiraan in ay ku dhowdahay in ay samaysato bamka Nukliyeerka.
Illaa hadda lama hubo halka uu dagaalkaan ku dhamaan doono iyo cawaaqiib xumada uu ku keeni karo nabada Bariga dhexe balse la arki doonee.
Sababaha weerarka Keenay ?
Khubaro badan oo ku xeeldheer arrimaha bariga dhexe ayaa sheegay in Israaiil oo sumcad ahaan ku fashilantay xasuuqa, burburinta iyo barakicinta dadka reer Falastiin ee Qaasa ay ku doonayso in ay adduunka ku marin habaabiso xaqiiqdana ka been abuurto. fashilka Israaiil oo ku andoocoon jirtay in ay ogtahay dhaqaaqada adduunka oo dhan balse ku guuldaraystay weerarkii Xamaas iyadoon ogayna la weeraray. Tani waxay badashay fikirkii laga qabay sirdoonka Israaiil.
Netanyahu oo dowladiisu aysan sii jiri karin haddii uusan dagaal jirin, si uu xukunka u sii haysto waa in dagaalku sii socdaa dana uguma jirto nabad joogta ah uu bariga dhexe ka dhalato, mana geli karaan dagaal dabo dheeraado taasoo aysna u babac dhigi karin tiradooda aawadeed.
Isbdelka ra’yil caalamka
Yuhuuda oo waligeed ku andacoon jirtay in reer Yurub xasuuqeen dagaalkii labaad ee adduunka oo beer laxawsina ka dhigan jirtay ayaa waxaa caalamka u cadaatay in xasuuqa, burburinta iyo barakicinta dadka reer Falastiin ee Qaasa uu rayil caalamka is bedelay, taasoo adduunka oo dhan uu hadda la jiro dalka iyo dadka reer Falastiin, waxaa kaloo adduunka u cadaatay in Yuhuuda aysan nabad rabin dana ugu jirin in ay wadamada ku xeerana nabad iyo xasilooni kula noolaato, beentii dhexdhexaadinta nabada labo dowladood oo Falastiin xor ah iyo Israaiil oo ahayd mid waqtiga lagu dheeraysanayey, dowladihii reer Yurub iyo Maraykankana iyagana aan waxba ka qaban balamadii la wada galay oo uu Maraykanku iyo wadama Yurub damaanadqaadeen waxba lagama soo qaadin.
Maraykanka, Midowga Yurub oo indhaha iyo afkaba ka qabsaday xagga warbaahinta siina waday maalgelinta iyo hubaynta Israaiil iyagoo og in xasuuqa, barakicinta iyo burburinta loo isticmaalayo, tani dad badan ayaa ku fasiray in ay ku bahoobeen xasuuqa iyo barakicinta Qaasa oo ay markii horeba daacad ka ahayn. Tani waxay kicisay rayil caalamka shicibka adduunka oo dhan gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub oo dhan oo dowladahooda dhigay banaanbaxyo ay uga soo horjeedeen, balse siyaasiyiinta cidna meesha kama qaadin oo dhagaha ay furaysteen iyagoo og xaqiiqda dhabta ah.
Sababah kaliftay in maamulada wadama Carabta in ay ka aamusaan xasuuqa
Wadamada Khaliijka ayaa mar la waraystay Netanyahu ka yaabiyey sida Carabta ugu mayal adag yihiin Sahyuuniyada iyo Yuhuudnimada una aaminsanyihiin iyagoo heshiis la magacbaxay Ibrahim accord la galay iyadoo aan ognahay in Nabi Ibrahim Alle kor Ahaaye uu ahaa Nabi Alle mabadiida hadda la wado wax shaqo ah aan ku lahayn, Diin la yiraa Ibraahimiyo ma jirto waa caqiido khaldan oo aan sax ahayn, qolyaha wada saxiixdayna baadhilkaan iyagaba ma aaminsana oo danahooda ayay ka dhex arkeen.
Dowladahaan ayaa ugu tiirsan dhaqaale, sanco, isgaarsiin iyo difaaca wadamada reer Galbeedka iyo Maraykanka kuna fashilmay in maadaama ay dhaqaale haysteen ay samaysan kareen sanaaco ay kula baratami karaan adduunka intiisa kale.
Noocyada dowladaha ka jira Bariga dhexe
Waa wadamo uu gumaysiga abuuray ee aan ku imaan rabitaanka shucuubta ku dhaqan mandiqada. Waxaa jira heshiis Ingiriiska ku khiyaamay Carabta oo uu Shariif Xuseeyn kii Maka iyo Madiina uu la galay Ingiriiska si looga hortago oo loogu jabhadeeyo Boqortooyadii Cusmaaniyiintii loona rido abaal marintii iyo axdigii la la galayna looga baxay markii danihii laga lahaa laga gaaray. Heshiiskaa waxaa la dhihi jiray [McMahon–Hussein Correspondence],waxaa xigay heshiiskii THE SYKES-PICOT AGREEMENT MAY 16th, 1916 Halkaas Shariif Xuseeyn lagu badalay Aala Sacuud oo guno ka qaadan jiray Ingiriiska markii la weydiiyeyna yiri waa Jisyo oo anaa xukummo, balse xaqiiqda ka fog.
Muqalasiinta Bariga Dhexe ?
Waxaa intaas dheer dowlado loo igmaday muqalasnimo sida Imaaraadka oo hadda ku ah kansar Islaamka, tacadiyo badana ka geystay sida Soomaaliya, Yemen, Suudaan iyo Liibiya. Taariikhda waa dhaxal ma dhamaato waligeed.
Waa socotaa ………
SJN
Xiriir la leh qormadaan: warqadii Shariif Xeseeyn iyo McMahon, Heshiiskii Carabta lagu qiyaanay Sykes-Picot
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl