Arbaco, 11-Juunyo-2025 [JSN]:
Hoggaamiyaha xisbiga VVD, Marwo: Dilan Yeşilgöz, ayaa sheegtay in xisbigooda midigta dhexe aanu doonayn in uu mar dambe qayb ka noqdo dowlad-isbahaysi ay la sameeyaan xisbiga PVV, kaas oo uu hoggaaminayo Geert Wilders. “Mar dambe uma shaqeyn doonno isaga,” ayay tiri Marwo: Yeşilgöz iyadoo wareysi la siisay wargeyska Telegraaf. Waxay ku tilmaantay Wilders “saaxiib aan la isku haleyn karin,” taasoo ka tarjumeysa hadalladii hore ee uu sheegay hogaamiyihii hore ee xisbiga VVD, Madaxweynihii hore Mark Rutte, kadib markii dowladdii ugu horreysay ee uu hogaaminayey Rutte ay ku dhammaatay si lama filaan ah, markii Wilders uu ka tanaasulay taageeradiisa kadib 17 bilood.

Marwo: Dilan Yeşilgöz,
Toddobaadkii hore, isbahaysigii afar xisbi ahaa ee dhexmaray PVV, VVD, NSC iyo BBB ayaa burburay kadib markii Wilders uu ka noqday taageerada xukuumadda kadib 336 maalmood oo uu xafiiska joogay. Isbahaysigaas ayaa ku dhamaaday, markii Wilders uu dalbaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta, inkasta oo wasiir ka tirsan xisbigii PVV uu mas’uul ka ahaa xeerarka iyo siyaasadaha ku saabsan arrimahaasi.
Bur-burka dowladdii Rutte I ee 2012 wuxuu ahaa sababo la xiriira tallaabooyin dhaqaale oo adag (austerity), halka markan sababo siyaasadeed oo kale ay ka dambeeyaan, taas oo la xiriirta siyaasadda socdaalka iyo qaxootiga ee ay taageerayaashu rabaan in si xooggan loo xakameeyo.
“Dalkeenu wuxuu u baahan yahay hoggaamin bisil xilliyada adag. In ka badan weligeed, waxaa loo baahan yahay Xukuumad midigta dhexe oo xasilloon. Taasi waxay dhici kartaa oo keliya iyada oo aan Geert Wilders joogin. Iyadoo aan PVV jirin,” ayay qoraal ku sheegtay hoggaamiyaha VVD ee bogga xisbiga. “Habka cabsida ee ka bixitaanka ayaa weli ah qaabka Wilders.”
Tani waxay ahayd isbeddel ku yimid mowqifka markii loo eego Arbacadii lasoo dhaafay. Intii lagu guda jiray dood ku saabsan baarlamaanka hal maalin ka dib markii Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Dick Schoof ay burburtay, Yeşilgöz waxay ka caga jiiday in ay caddeyso inay ka xishoonayso in ay ka shaqeyn doonto mustaqbalka la shaqeynta PVV.
Xisbiyo badan oo Nederland ah ayaa ka shalaayey markii ay isbahaysi la sameeyeen xisbiga kaligii taliye Geert Wilders ee PVV oo dhamaantood guuldaro ku dhamaaday.
Joornaalka Soomaalida Nederland faraciisa London UK
Xiriir la leh qormadaan:
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl