Ingiriiska oo tijaabo lagu gaabinaayo illeyska qorraxda bilaabay

Talaado, Abriil 29, 2025 (JSN): Dowlada Ingiriiska ayaa oggolaatay in tijaabiso in la yareeyo illeyska cad ceeda si looga hortago isbedelka cimilada, tijaabadaan oo ay ku kacayso kharash dhan 50 malyuun lacagta istarliinka Ingiriiska.

Tijaabadaan oo ah tii ugu horeysay ee laga sameeynaayo wadanka Ingiriiska oo ah wadan ay illeyska cadceeda kuba yartahay in la sii yareeyo waa mid fajac iyo amakaag dadka ku abuurtay tijaabadaan oo mudo afar sanno ah qaadan doonta lana filaayo in ku kacdo 800 malyuun guud ahaan.

Khabaro badan oo ku xeeldheer cimilada iyo cilmiga Sayniska ayaa sheegay in ay tahay mid aan cidna lagala tashan oo ay ahayd in shicibka Ingiriiska lagala tashado iyo inkale , waxay kaloo intaas ku dareen in ay keeni karto cawaaqibo xumo keeni karta in dalaga beeraha ka soo baxo saameeyn ku yeelato, noolaha oo dhan oo leh xayawaanka, cayayaaanka, dugaaga duurjoogta, haadka duula xamaaratada iyo bani aadamka oo dhamaantood ku tiirsan illeyska cadceeda oo fitamiinka ugu qiimaha iyo qaayhay badan fitaamiin D laga helo illeyska cadceeda, dhirta oo iyadana ku tiirsan oo ka maarmin illeyska qorraxda oo habka loo yaqaan fotosintaasis oo habka ay dhirta usamaysato cuntadeeda.

Faragelinta arrimaha Illaahiga ayaa waxaa ka dhalan karto cawaaqibxumo aan laga fiirsan lana sameynaayo oggolaansho shicibka Ingiriiska laguna bixinaayo lacagta canshuur bixiyayaasha wadanka shicibka Ingiriiska in iyaga la wargeliyo lagalana tashado ay ahayd.

Waxaa kaloo is diidaayo in ay dowlada sheegto waxaan isticmaalaynaa quwada illeyska qorraxda oo miyaaradaha laga dhaliyo cadceeda[Solar Panels] aan dhigaynaa dhulkii wax soo saarka beeraha hadana ay ku bixiso dhaqaale 50 Malyuun oo geniga Istarliinka waa kaaf iyo kala dheeri.

SJN

Xiriir la leh qormadaan: https://www.lbc.co.uk/tech/experiments-to-dim-the-sun-set-to-be-approved-within-weeks/

Isha warka: LBC

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *