Berlin, Abriil 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay qorshe cusub oo lagu kordhinayo masaafurinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan heysan xuquuq sharciyeed oo ay ku joogaan dalka Jarmalka.
Ka dib kulan rasmi ah oo ka dhacay magaalada Berlin, Chancellor Scholz wuxuu sheegay in Soomaalida aan haysan sharci ay si “degdeg ah oo hufan” dib loogu celin doono dalkooda, isagoo xusay in tallaabadan ay gaar ahaan khuseyso dadka lagu helay dambiyada culus sida falalka rabshadaha ah ama dambiyada la xiriira argagixisada.
Scholz wuxuu hoosta ka xariiqay in tirada dadka Soomaaliyeed ee arrintani saamaynayso ay aad u yar tahay marka loo eego guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka, kuwaasoo gaaraya qiyaastii 65,000 oo qof. Wuxuu intaa ku daray in “dadka aadka u wanaagsan ee Soomaaliyeed ee si fiican u dhexgalay bulshada Jarmalka ay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan jawi amni ah, iyada oo laga fogaanayo in falalka dadka dambiyada gala lagu dul saaro dhammaan bulshada Soomaaliyeed.”
Sida ay sheegtay dowladda Jarmalka, kordhinta masaafurinta dadka aan sharciga haysan waxay qeyb ka tahay istiraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu yareeyo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isla markaana loogu dhiirrigeliyo nidaamka qaxootinimo ee rasmi ah.
Dhinaca kale, heshiiskan ayaa imaanaya xilli ay si weyn u soo kordheen doodaha siyaasadeed ee ku saabsan dambiyada ay galaan qaar ka mid ah dadka magangalyo-doonka ah, gaar ahaan falalka argagixisanimo ee lagu eedeeyay qaxooti dhawaanahan gudaha Jarmalka.
Iyadoo xaalada nabadgelyo ee Soomaaliya ee ay ka sii darayso meelo aan ka fogayn magaalada Muqdishana ay haystaan xarakada Al shabaab ayaa waxay culays weeyn ku noqonaysaa iyadoo dowlada aysan u hayn meel dadkaan dhaqan celin loogu sameeyo si ay dib ula qabsadaan geedi socodka nolosha ee Soomaaliya ee dadkaan la soo tarxiilay mudo ka maqnaayeen.
Khubaro ku xeeldheer arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in Madaxweyne Xasan Shiikh uusan ka fiirsan waa haddii uu saxiixay heshiiskaan isagoo aysan gacanta ugu jirin si buuxda magaalada Muqdisho meel uu xukumana aysna jirin aadna ugu tiirsan dhaqaale ahaan iyo ciidamo ahaan shisheeye.
Isbedelada juqraafiga siyaasada (Geo Politics) oo adduunka isbedelay wadamo badana ay la jaanqaadayaan xaaladaha oo isugu jira kuwa bulsho, dhaqaale iyo mid militeri oo in la isku dhaco keeni karto.
JSN