Jimco, Maajo 9, 2025 (JSN): Wadanka Jarmalka ayaa doorashadii dhawaan dhacday lagu doortay karsalar cusub oo la yiraa magaciisa Joachim-Friedrich Martin Josef Merz, marka la soo gaabiyo waxaa loogu yeeraa Friedrich Merz, wuxuu dhashay sannadkii 11/11/1955 waa 69 jir.
Waxbarashada
Wuxuu bartay sharciga waana qareen sharciyaqaan ah oo ku soo shaqeeyey qareenimo
Wuxuu bartay sharciga laga soo bilaabo sannadkii 1976 isagoo jaamacadaha Wilhelm iyo Marburg, wax kusoo bartay kuna guulaystay imtixaanka sannadkii 1982
wuxuu noqday qareen kana soo shaqeeyey shirkadaha Cornelius Bartenbach Haesemann ee wadanka Jarmalka
Xaas ahaan
Guursaday lehna saddex carruur ah.
Siyaasada
Wuxuu xubin ka ahaa xisbiga CDU laga soo bilaabo sannadkii 1989 illaa 1994.
Diinta
Waa mid ka tirsan madhabta Katooliga aaminsana.
Dhaliilaha
Waa mid ka soo shaqeeyey shirkad arrimaha maaliyada ee loo yaqaan BlackRock taasoo dad badan shaki gelisay in uu noqdo mid daacad u ah dadka iyo dalka Jarmalka mise BlackRock, Waxaa kaloo lagu eedeeyaa in ay khalad ahayd xukunkii ay maxkamada adduunka ee ku riday R/wasaaraha Yuhuuda Netanyahu taasoo ah is hortaag shaqsi geeystay dambiyo ka dhan xuquuqda insaanka kuwaasoo isugu jiray Xasuuq, boob dhul iyo barakicin.