Maxkamad Ingiriiska oo cadaysay in ragga iyo dumarka yihiin sidii Alle abuuray oo ay ku dhasheen keentay banaanbax

Axad 20/04/2025 SDU: Maxkamad wadanka Ingiriiska ayaa cadaysay in dumarka ay yihiin sidii ay ku dhasheen ee Alle u abuuray iyadoo qowmuluutkana doodo badan ka qabeen kuna andoocoon jireen in abuurka iyo dhalashada qofka aysan wax xiriir ah la lahayn oo qof dumar ah uu ku andoocoon karo in uu rag yahay ama qof rag ah uu sheegan karo in uu dumar yahay taasoo doodo badan ka jiraan iyo dhibaatooyin badan keentay.

Maxkamada ayaa cadaysay in qofka ku dhasho dumar ahaan uu yahay dumar halka qofka ku dhasho rag ahaan uu yahay rag. In dareenka iyo abuurka Alle ee qofka ku dhashay wax xiriir ah lahayn oo ay maxkamada sheegtay in qofka jinsiga uu ku dhashay uu yahay halka dareenka uusan noqon karin lab ama dheddig.

Waxaa doodo badan ka yimaadeen in qof aad ujeedo in uu dumar yahay uu ku andoocoodo kuguna dacwayn karo in aad qofkaas ku xadgudubtay keeni kartana in xarig aad mutaysato. Sidoo kale kuwa qowmu luutka ayaa sidoo kale dhibaato weeyn ka taagantahay iyagoo anshax xumo dadka kula kaca iyagoo aan dhowrin xuquuqda dadka aan ahayn qowmuluutka kuna andoocooda in iyaga la takoor iyo nacayb lagula kaco.

Maxkamada sarre ee wadanka Ingiriiska ayaa iyadoo cuskanayso sharciga sinaanta ee soo baxay sanndkii 2010 ku sheegtay in qofka sheegan karo in uu dumar ama dheddig yahay ay tahay in sidii Alle u abuuray kuna dhashay dumar ahaan loo aqoonsanyahay dumar.

Banaanbaxyada ka dhacay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hortiisa ayaa dadka qowmuluutka iyo taagerayaashooda iyagoo wata boorar ay uga soo horjeedaan go’aanka maxkamada sarre ee wadanka Ingiriiska.

Waxaa ka dhacay Ingiriiska faadeexooyin la xiriira dadka qowmu luutka ah. iyadoo nin dambi galay markii la xukumay sheegtay in uu yahay dumar codsaday in lagu xiro xabsida qaybta dumarka halkaasoo uu ka geeystay kufsi, taasoo keentay in fadeexo ay ku noqotay ninkaan naagta sheegtay hadana markii lagu xiray qaybta dumarka xabsiga dumarkii kufsaday.

JSN

Isha Warka:
Xiriir la qormadaan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *