Arbaco, ABRIIL23, 2025 (JSN) – Midowga Yurub oo muddo dheer ka mid ahaa maalgeliyeyaasha ugu waaweyn hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, ayaa muujiyay baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qaybiyo masuuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo ee howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya oo ay ka codsadeen in wadamada adduunka qaaraanka la qaybsadaan.
Midowga Yurub ayaa dayro ka muujiyey bixinta kharashyada ay ku taageerto Dowlada Soomaaliya si ay nabad iyo xasilooni ay u gaarto Soomaaliya iyo dowladeeda tabarta daran.
Midowga Yurub waxay ay sheegeen in la la qaybsado kharashyada ay ku bixiyaan kuwaasoo la siiyo ciidamada Afrikaanka ah nabad illaalinta u joogo Soomaaliya.
Midowga Yurub oo ayay soo wajaheen dhaqaale xumo ayaa qoondeeynaayo in ay gabi ahaan joojiyaan kharashyada uga baxo Soomaaliya iyadoo wadamada Yurub ay dhici karto in ay dagaal toos ah isaga hor yimaadaan wadanka Ruushka.
Dagaaalka Yukreeyn ayay wadamada Yurub dhaqaale aad u badan ku bixiyeen ka gadaal markii ay inqilaabeen dowlada wadanka Yukrayn sannadkii 2014.
Xaaladaha adduunka oo isbedel weeyn ku yimaadeen xurgufo iyo is afgaran waana ka dhex dhacay Midowga Yurub wadanka Maraykanka iyadoo Maraykanka si cad u sheegay in uu doonayo in uu la wareego jasiirada Greenland oo hoos timaado maamulka wadanka Denmark.
Soomaaliya ayaa hadda waxaa taagan qalqal siyaasadeed, iyo musuqmaasuq taasoo keentay in wadamo badan oo adduunka ah oo dhaqaale ku bixiya Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen kuwaasoo qaar ka mid si toos ah ugu sheegay in Xasan Sheekh iscasilo, wixii ka danbeeyey guulihii Al Shabaab ay ku qabsadeen Aadan Yabaal ayna hadda qarka u saaran yihiin aga gaarka Xamar, khubaro ku xeel dheerna ayaa sheegayaan in ay dhici karto in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay joojiyaan kharashka ay ku bixiyaan Soomaaliya aysan wax natiijo ah ay soo kordhin waysay, ayna dhici karto haddii ay Soomaaliya isku tashan wayso in Al Shabaab wadanka la wareegaan.
Midowga Yurub ayaa sheegay in aysan ahayn mashiinka lacagta lagala baxo oo loo baahanyahay natiijo iyo cid lagula xisaabtamo dhaqaalaha ku baxa Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa si toos ah taageero weeyn u muujiyey wadanka Turkiga oo dhinacyo badan taageero uga fidiyey laakiin waxaa dhici karto haddii xukunka uu ka dago ama laga qaado Erdogan in Soomaaliya halkaas lagu illoobi doono. Madaxda Soomaaliyana waxay noqdeen kuwa ka badnaan waayey in ay jeebkooda buuxsadaan iyo musuq.
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl