Nederland oo looga dabaaldegay maalinta dhalashada Boqorka Nederland

Sabti, Abriil 26, 2025 (JSN): Waxaa Nederland maanta looga dabaaldegayaa maalintii dhalashada Boqorka Nederland Willem Alexander oo ah Boqorka Nederland.

Willem Alexander ayaa hooyadiis ay ku wareejisay jagada Boqortooyada sannadkii April 30, 2013 halkaasoo si rasmi ah uu u noqday Boqorka Nederland. Waxaa caado ka ah Nederland in bisha Abriil looga dabaaldego maalinta boqorka ama boqorada.

Waxaa la qabtaa xaflado dad badan ayaa isu soo baxaan, iyadoo halkaas wax lagu kala iibsado oo dadka ay soo bandhigaan dhamaan alaabo kala gedisan oo qiimo jaban kusoo bandhigaan.

Sannadkaan Boqorka iyo reerkiisa ayaa magaalada Doetinchem kaga qaybgalay xaflad si wacan loo soo agaasimay iyadoo ay kala qaybgaleen xaaskiisa Boqorada Maxima iyagoo ay garab socdeen kalana qaybgaleen saddexdiisa gabdhood.

Waa markii ugu horeysay mudo laga joogo 120 sanno oo boqor lab ah jagada boqortooyada qabto. Boqor Willem Alexander ayaa dhalashadiisa rasmiga ah ay tahay berito oo Axad 27/04/2025 isagoo 58 sanno jirsaday.

Boqoradii Beatrix ayaa 33 sano ka dib ku wareejisay wiilkeeda Willem Alexander iyadoo sheegtay in aysan ugu wareejin cadaadis, jiro ama gaboow ee ay sheegtay in ay ugu wareejisay jagada Boqortooyada maadaama uu gaamuray kana bixi karo jagadaan iyo maqaamkeeda.

Bahda Joornaalka Soomaalida Nederland ee Ingiriiska aya halkaan uga dirayso hambalyo ku aadan dhalashada Boqorka Nederlaan Willem Alexander, reerkiisa, dowlada iyo shicibka Nederlaan meelkastooy adduunka ka joogaan.

SJN

Xiriir la leh qormadaan: https://nos.nl/artikel/2565144-koning-willem-alexander-nu-echt-jarig

Isha warka: NOS

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *