Nederland waxay diidday cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu saaray Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah shaqaalaheeda kuwa ka mid ah

Isniin 9-Juunyo-2025: [JSN] Nederland “waxay ka soo horjeeddaa” cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee fadhigeedu yahay Hague, sida uu ku sheegay Wasiirka Ku-meel-gaarka ah ee Arrimaha Dibadda Caspar Veldkamp barta X (horey Twitter). “Maxkamadaha iyo guddiyada caalamiga ah ee madax-bannaan waa inay si xur ah u gutaan shaqadooda. Waxaan si buuxda u garab taaganahay Maxkamadda,” ayuu yiri.

Cunaqabateyntan ayaa lala beegsaday afar garsoore oo kala ah Solomy Balungi Bossa oo ka socota Uganda, Luz del Carmen Ibanez Carranza oo ka timid Peru, Reine Alapini-Gansou oo ka socota Benin, iyo Beti Hohler oo ka socota Slovenia. Sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, garsoorayaasha ayaa ka qayb qaatay waxa uu ugu yeeray “bartilmaameed siyaasadaysan oo aan sal lahayn” oo ICC ay ku beegsatay Mareykanka iyo xulafadiisa dhow ee Israa’iil.

Cunaqabateyntan ayaa sababi karta in garsoorayaashu ay la kulmaan caqabado xagga macaamilka maaliyadeed ah, maadaama tallaabooyinka Mareykanka ay saameynayaan dhammaan hay’adaha maaliyadeed ee la macaamila Mareykanka, tani waxay tusaale cad u tahay in isticmaalka addeegyada sharikadaha Marayankanka looga maarmi lahaa, cidii awoodi kartana gebi ahaanba ayan u isticmaalin, illeen sharci celiyo ma jirto Maraykanka oo xoolahaada ayay xanibi karaan haddii aadan u hogaansamin danahooda gaarka ah ee aan xaqa iyo cadaalada ku dhisnayn.

Tani waxay daba socotaa cunaqabateyntii hore ee uu Donald Trump ku soo rogay ICC bishii Febraayo, kadib markii maxkamaddu ay soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada oo dhacay intii lagu jiray dagaalka Qaza.

Rubio wuxuu sidoo kale xusay baaritaan ay ICC ku waddo ficillada ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, taasoo sababtay in Mareykanka uu cunaqabateyn saaro garsoore ka tirsan ICC sanadkii 2020 intii uu Trump xilka hayay.

Cunaqabateyntan waxay si weyn u saameeyeen hawlaha ICC. Wakaaladda wararka ee AP ayaa bishii hore sheegtay in hawlihii maxkamaddu ay ku dhowaadeen inay istaagaan gabi ahaanba.

ICC ayaa jawaab ka bixisay, iyadoo sheegtay in ay “ka xuntahay” cunaqabateynta cusub. “Tallaabooyinkan waa isku day cad oo lagu wiiqayo madax-bannaanida hay’ad garsoor caalami ah oo ku shaqeysa heshiis ay saxiixeen 125 waddan oo ka kala yimid daafaha dunida,” ayay tiri maxkamaddu.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay shaqaalaheeda, isla markaana ay sii wadi doonto hawlaheeda iyadoo aan ka niyad jabin, si ay “cadaalad ugu hesho dhibanayaasha dambiyada dagaal, dambiyada ka dhanka ah bini’aadamnimada, xasuuqa, iyo dambiyada gardarada ah ee lagu qaado dalal kale.”

Qaasa xasuuqa ka socdo ee uu Maraykanka tunka u ritay in ay bixiyaan hubkii dadka lagu gumaadi lahaa oo ah xasuuqii ugu xumaa ee ebed si toos ah kuwa gaabood falada geysanayo ay u soo galiyaan baraha bulshada oo marag aan u baahnayn tani waxay keeni doontaa in cawaaqib xumo ku noqon doonto nabad u wada noolaanshaha dadyowga caalamka qaasatan wadamada Muslimiinta ah madaxdoodii afka ka furaysteen in ay wax ka qabtaan iska daaye xitaa aan soo hadal qaadin.

JSN

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *