Pakistaan oo shaacisay in Hindiya ay qorshaynayso in ay soo weerarto

London – 30 Abriil 2025

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay heshay xog la isku halayn karo oo muujinaysa in Hindiya ay qorshaynayso weerar milatari oo ay kaga aargudanayso weerar argagixiso oo toddobaadkii hore ka dhacay gobolka Kashmir, kaas oo lagu dilay 26 qof oo badankood ahaa dalxiisayaal u dhashay Hindiya.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Marwo Attaullah Tarar, ayaa sheegtay in dalkoodu si kalsooni iyo go’aan adag leh uga jawaabi doono “wax kasta oo milatari ah oo Hindiya ku dhaqaaqdo”. Sida ay sheegtay, Pakistan diyaar ayay u tahay in ay difaacdo madaxbannaanideeda haddii weerar milatari lagu soo qaado.

Dhanka kale, Hindiya wali kama aysan jawaabin eedeynta Pakistan. Xasuus ahaan, sanadkii 2019, diyaarado dagaal oo Hindiyaan ah ayaa duqeeyay goobo ku yaal gudaha Pakistan, kadib markii weerar argagixiso oo ka dhacay Kashmir lagu dilay 40 askari oo Hindiyaan ah. Hindiya waxay markaas si toos ah Pakistan ugu eedeysay weerarkaasi.

Weerarka ugu dambeeyay wuxuu dhacay 22-kii Abriil ee sanadkan, waxaana fuliyay koox hubeysan oo weerartay dad dalxiis ah oo ku sugnaa Kashmir. Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in saddex kamid ah dableydii weerarka fulisay la aqoonsaday, labo kamid ahna ay yihiin muwaadiniin Pakistani ah, halka midka saddexaad uu yahay Hindiyaan kasoo jeeda Kashmir.

Raysalwasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ballan qaaday in ciddii weerarka ka dambeysay la raadin doono “xitaa haddii ay dunida dacaladeeda joogaan”. Tallaabo ahaan, Hindiya waxay xirtay in ka badan 1500 qof si su’aalo loogu waydiiyo, waxaana la burburiyay guryo ay leeyihiin dad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin dableyda weerarka geysatay.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii rasaas is dhaafsiyo kala gooni gooni ah ay ka dhaceen xadka ay labada dal ku muransan yihiin. Inkastoo xariiq xabad-joojin ah u dhaxeyso labada dhinac, hadana marar badan ayay horey isugu dhaceen milatariga Pakistan iyo kan Hindiya.

Kashmir ayaa ah gobolka ugu muranka badan Bariga Dhexe ee qaaradda Aasiya, iyadoo labada dalba – Pakistan iyo Hindiya – ay sheeganayaan lahaanshaha buuxda ee gobolkaas. Inkasta oo dadka deggan Kashmir ay u badan yihiin Muslimiin – sida dadka Pakistan – waxaa gobolku hoos yimaadaa maamulka Hindiya, oo ay dadkeedu u badan yihiin Hinduu. Arrintan ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo isir ku saleysan iyo rabshado daba dheeraaday, kuwaas oo marar badan sababay dagaallo culus oo u dhexeeya labada dal.

Qaramada Midoobay iyo dowlado kale sida Mareykanka ayaa ugu baaqay labada dal in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara dagaal cusub, iyagoo xasuusinaya in labadooduba ay haystaan hubka Nukliyeerka.

SJN

Xiriir la leh qormadaan:

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *