Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Kier Starmer oo gurigiisa dab lagu weeraray

Axad, 18 Maajo, 2025 (JSN):Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane: Keir Starman ayaa gurigiisa dab la qabadsiiyey sida lagu baahiyey warbaahinta iyadoo la sheegay in loo xiray nin u dhashay wadanka Ukreeyn oo 21 jir laguna sheegay in la yiraa Roman Lavrynovych,

Talaadadii la soo dhaafay [13/05/2025] ayay eedaysanaha biliiska xireen Roman Lavrynovych oo la sheegay in uu dagana xaafada Sydenham oo ku taal koonfur bari London

Eedaha loo haysta ee lagu xiray ayaa la sheegay inay kala yihiin saddex dhacdo kala dhacay 11/12 Maajo 2025, weeraradaan oo loo isticmaalay dab qabadsiin dhismo, gaari iyo gurigii Raisal wasaaraha Keir Starmer inkastoo hadda uu deganyahay 10 Downing street inta uu hayo jagada R/wasaaradnimo isagoo masraxa siyaasada ku matalaya xisbiga shaqaalaha [Labour].

Waxaa la sheegay in eedaysanaha la soo taagay maxkamada Jimcihii 16/05/2025, balse waxaa la yaab noqotay in qaybta hogaaminayso kiiskaan ee ka hortaga argigixisada maxkamada boqortooyada Ingiriiska ayaa si hordhac ah u sheegay in aan lagu baahin karin warbaahinta si eedaysanaha u helo cadaalada, waa kaaf iyo kala dheeri in isaga laftigiisa uu hordhaco eedaysane ku weeraray dab gurigii R/wasaaraha taasoo ah mid aan cadaalad ahayn, ma isagaan ku kalsoonayn sharciga wadanka Ingiriiska mise dano kale ayuu leeyahay ka gedisan howshii loo igmaday, Horay uma dhicin, laakiin waxaa la isweydiiyey haddii uu ahaan lahaa eedaysanaha dadka laga tirada badanyahay ama uu Muslim ahaan lahaa in baahinta la baahinyaayo warkaan uu ahaan lahaa si ka gedisan qaabka hadda warkaan loo soo bandhigay.

JSN

Xiriir la leh qormadaan: Faallo la xiriirta qormadaan

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *