TU Eindhoven waxay noqotay jaamacaddii ugu dambeysay ee joojisay iskaashiyadii ay lahatyd Israaiil

Jaamacadda TU Eindhoven ayaa noqotay jaamacaddii ugu dambeysay ee joojisay dhammaan iskaashiga ay la lahayeen hay’adaha Israaiil sababtoo ah “masiibada bani’aadamnimo” ee Gaza. Jaamacaddu sidoo kale waxay joojineysaa iskaashiga la leh jaamacadda Israaiil ee Technion, taasoo la leh “xiriir aan la beenin karin” oo xooggan qeybta difaaca ee dalkaas.

Guddiga TU/e ayaa soo bandhigay tallaabooyinkaan Isniintii, iyadoo lagu sheegay golaha jaamacadda. Jaamacaddan farsamada ah waxay raacday Jaamacadda Amsterdam, Jaamacadda Radboud ee Nijmegen, Jaamacadda Tilburg, iyo Jaamacadda Erasmus ee Rotterdam, kuwaasoo dhammaantood qaaday tallaabooyin si ugu yaraan loo xadido iskaashiga Israaiill. “Waxaan dareemeynaa in iskaashiga aan xadidnayn ee lala yeesho lammaanayaasha Israa’iil, gaar ahaan kuwa leh xiriir adag oo la leh qaybta difaaca Israa’iil, uu horseedayo masuuliyad akhlaaqeed,” ayaa lagu yiri bayaan ku qoran website-ka jaamacadda.

TU/e waxay sidoo kale dejineysaa guddi gaar ah oo qiimeyn doona “iskaashiga xasaasiga ah” bisha soo socota. Inta lagu jiro waqtigan, ma jiri doonaan iskaashi cusub oo “hay’adaha” ah oo lala yeesho lammaanayaasha Israa’iil. Saynisyahannada gooni-goonida ah waxay weli leeyihiin xuquuq gaar ah arrintan, laakiin waa inay “aad uga taxadaraan.”

Guddiga TU/e, sida ay sheegeen, waxay qirteen in qaadashada tallaabooyinkaan “ay noqotay mid aan laga fursan karin.” Guddoomiyaha Koen Janssen ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee guddiga ay si “xanuun leh” u daawanayaan xasuuqa ka socda Gaza.

Waxay u arkaan xasuuqa iyo tacadiyada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta inay yihiin “xadgudubyo xuquuqda aadanaha oo sii soconaya oo sii xumaadaya.”

Technion ayaa iskaashi u soo raadsato wadamada Yurub iyagoo ka faaiideysanyo aqoonta sare ee wadamada Yurub,aqoonta iyo xirfadahaan oo loo isticmaali karo kuwa madani ah iyo kuwa Militeri.

Xarfaha qalaad TU = Technical University Eindhoven magaalo ka tirsan Nederland Aydhahoofan

JSN

Isha: editorial

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *