Talaado, Abriil 29, 2025 (JSN) Wadamada Isbaayn iyo Bortaqiiska ayaa dhamaan korontadii wadamadaan go’ day iyadoo waligeed ka dhicin taasoo saamayn weeyn ku yeelatay geedi socodka nolosha dhinacyo badan.
Go itaanka korontada labadaan ayaa imaanayso maadaama Midowga Yurub ay ku dhawaaqeen in ay dadka u diyaar garoobaan haddii dagaal dhaco ama masiibo dabiici ah ka dhacdo Yurub.
Shirkad la yiraa Red Electrica ayaa digniin ka bixisay bishaa Febaraayo isla sannadkaan in isku halaynta quwada laga dhaliyo cadceeda iyo dabaysha an la isku haleeyn karin maadaama labaduba mararka qaarkood la waayi karo.
Wadamo badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa u ololeeya sidii looga taqalusi lahaa dhamaan shibaadlka sida naftada, gaaska iyo batrroolka iyagoo ku andacoonaya in ay saameyn ku leedahay isbadalka cimilada [Climate change] iyo kulaylka adduunka taasoo aan ku dhisnayn caqli iyo cilmi saynis midba, balse qolyo saynisyahano oo lacag la siiyey oo af wax cunay xishoo ah iyo culimadii rasmiga ayaa isku haysta xaqiiqda rasmiga in cilmiga la waafajiyo.
Tani ma bilowgii masiibooyin hor leh oo ay soo maleegeen qolyaha xukunka haysto iyo maalqabeenka sida Bill Gates oo hadafkoodu yahay in la yareeyo dadka adduunka oo ay u arkaan in ay badan yihiin adduunkana uusan qaadin iyadoo taasi xaqiiqda ka fogtahay.

Waxaa laga maarmaan ah akhristoow meelkastood adduunka ka joogto in tabaabusho la sameeyo looga hortagi karo haddii halka aad joogto ay korontada ka tagto shabakada internet-ka go do, waa in aad lacag cadaan ah haysataa, faynuus, toosh, biyo cunto mudo dheer ku hayn karto.
Waxaa uu sheegay joornaalka wadanka Isbayn ka soo baxo ee la yiraa El Pais lagu baahiyey in shan qof ay dhinteen sababo kala gedisan sida shumac qof shitay oo ku gubtay, qof kalena la sheegay in uu markay korontada go’day qalab uu u isticmaalayey in uu ku aaryeysto u shaqayn waayey ka dibna halkaan ku dhintay.
SJN
Xiriir la leh qormadaan
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl