Xeer illaaliyaha SSC Khaatumo: Faarax Caydiid Jamaac waxaa dilay kooxda Alshabaab

Isniin, April 21, 2025 (SDU) – Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere, ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso dilka Faarax Caydiid Jaamac, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Safaarda Itoobiya ee magaalada Garowe

Xeer Illaahiyaha ayaa sheegay in Faarax Caydiid Jaamac uu is dhigtay maadaama uu horey uga bad baaday isku day dil ay Kooxda Al Shabaab rabtay in ay ku qaarijiso, wuxuu intaas ku daray in Faarax Caydiid Jaamac uu horey uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab balse uu ka soo goostay.


Cabdullaahi Xirsi ayaa sheegay xogaha uu hayo ay sheegayaan in lagu dilay Laascaanood gudaheeda, Khaatumana lagu dhex labanyahay, Marxuumka waxaa maydkiisa lagu tuuray duleedkeeda dooxada Qojaale, wuxuu warku intaas ku darayaa in labo telefoon mobiil ah uu watay laga qaatay. Maydkiisana waxaa la sheegay in uu ka muuqday jir dilyo.

Xeer Illaahiyaha ayaan soo bandhigin lana wadaagin warkiisa iyo warbaahinta cadaymo xaqiijinaayo warkiisa aan marin habsamida iyo hanaanka maamulka wanaagsan ee ah in cidna aysan hordhicin kiis aan wali aan la baarin. Ayna ahayd iyo hay adaha amniga howshooda qabsadaan maxsuulka ka soo baxo la la wadaago shicibka iyo warbaahinta.


Dilka Faarax Caydiid ayaa noqonaya dilkii ugu horreeyay ee lagu eedeeyo kooxda Al-Shabaab oo ka dhaca gudaha Laascaanood, tan iyo markii laga saaray Somaliland magaaladaas. Intii ay Somaliland maamuleysay Laascaanood, waxaa ka dhici jiray dilal qorsheysan oo noocan oo kale ah, kuwaas oo ugu dambayn keenay kacdoonkii hubeysnaa ee Somaliland looga saaray Laascaanood.

Xiriir la leh qormadaan: Dilka Kiiska Farah Caydiid: Investigation: Waraaq been abuur ah
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *