Talaado, 03-Juunyo-2025 [JSN] Xisbiga kaligii taliyaha marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVV ayaa kalsoonidii kala noqday oo isaga baxay xisbiyadii ay xulufo wadaaga ku ahaayeen kabineetka dowlada Nederland ee raisalwasaare Schoof
Lama shaacin xaqqiqda dhabta ah ee keentay in kaligii taliyaha uu kalsoonida kala wareego, laakiin dad khubaro ku ah siyaasada Nederland ayaa sheegay in ay ugu wacantahay xasuuqa, barakicinta iyo burburinta Qaasa wadanka Falastiin taasoo kaligii taliyaha aaminsanyahay in dadka iyo dalka Falastiin uu inkirsanyahay uu marar badana sheegay haddii laga hadlo in uu kalsoonidiisa kala wareegi doono xisbiyada ay xulufada yihiin.
Waxaa sii kordhayey banaanbaxyada looga soo horjeedo xasuuqa iyo barakicinta Qaasa dowlada Nederland ay indhaha iyo afkaba ka furaysatay iyadoo ugu danbayn ay kaliftay in kabineetka dhaco oo xaqa uu soo daahiro.
Raisalwasaare Schoof oo dowlada uu raisalwasaaraha ka ahaa ay jirto mudo sanno ka yar ayaa saaka waraaqihiisa ruqsada u gudbiyey Boqorka Nederland Willem Alexander oo ka aqbalay nuqulka.
Raisalwasaare Schoof maaha siyaasi ah oo siyaasad khibrad u leh waana markii ugu horeysay ee uu jagadaan qabto,
Kabineetkaan uu madaxa u ahaa oo ay xulafada ku ahaayeen xisbiyada kala ah
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl