Isniin 21-Maarso-2025 [ SDU] Boobkii ama madaxii ugu sareeyey Madhabta diinta Katooliga ee Masiixiga Boob Faransiskus ayaa geeriyooday isagoo la sheegay in mudo ahba in uu xanuunsaneeyey. Faransiskus wuxuu ahaa Boobkii ugu horeeyey ee laga soo doortay meel ka baxsan qaarada Yurub illaa qarnigii 18 aad.
Taariikh kooban
Wuxuu dhashay 17 Diseembar 1936 kuna dhashay wadanka Arjantiina wuxuuna ahaa magaciisa rasmiga Jorge Mario Bergoglio ka hor intaan loo dooran Boobnimada. 13-Maarso-2013 ayaa loo doortay jagada Boobnimada Katooliga isagoo xilka kala wareegay Boob Benediktihii 16 aad oo booskiida ka ruqsaystay.
Mudo sagaal beri oo baroordiiq ah ayaa loo sameeyn doona waxaana ku xigta saddex beri oo macsalaameeyn ah.
Faransiskus waxaa lagu eedeeyaa in uu ka weecday arrimaha loo igmaday ee ah diinta Katooliga uuna galay siyaasad iyadoo shicibka iyo siyaasiyiinta qatyaan kala taagan yihiin, waxaana ugu caansanaa arrintii la xiriirtay u ololaynta Qowmuluutka, talaalka iyo isbedelka cimilada taasoo taasoo wiiqday sumcadiisa iyo kalsoonidii lagu qabay .
JSN
Wixii aqbaar intaas dhaafsiisan nalaga soo xiriir : info@somalidutchuk.nl