Guusha senadka Maraykanka ee Abdul El-Sayed ee gobolka Michigan

Arbaco: 5-Agoosto-2026: JSN: Isbedel weeyn oo aan la filayn ayaa ka dhacay gobolka Michigan Marakanka oo markii ugu horeysay uu ku guulaystay nin aan la filayn oo dhakhtar hore u ahaa lana yiraa Abdul El-Sayed ayaa ka guulaystay Haley Steven oo kursiga haysatay illaa 3/1/2019.

Haley Maria Stevens ayaa xilka senadka ay ka hayso Michigan bilowday sannadkii January 3, 2019, illaa looga guulaystay waxay ugu yeereen Primary election, Haley waxay ku matashaa xilka xisbiga Dimoqraadiga oo ka mid ah labada xisbi ee wadanka Maraykanka Dimoqraadiga iyo Republican.

Abdul El-Sayed oo horay u ahaa dhakhtarka sida ay sheegayaan sida ay warbaahinta Maraykanka lagu baahiyey, El Sayed oo ah muwaadhin Maraykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Masara.

Lama filayn in uu ku guulaysto cid aan taagero ka helayn ururka u ololeeya Yuhuuda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan AIPAC oo dhaqaale badan ku bixiya siyaasada Maraykanka, tani waxay ka dhigantahay in Yuhuuda gabalkoodii uu sii dhacayo shicibka Maraykanka iyo adduunka intiisa kale laga nacay ayna tahay bilowgii dhamaadka AIPAC.

Kalibkaan ayaa kalifay in ay ku guuldaraysato ka dib markii Marwo: Haley Marey stevens, waxaan ku riyoodaa difaaca jiritaanka Yuhuuda, iyadoo shaqada loo igmaday aysan ahayn ee masraxa ku matasho senadka gobolka Michigan.

Warbixin kooban ee gobolka Michigan ee wadanka Maraykanka

Michigan waa gobol ku yaalla gobolka Midwest ee dalka Maraykanka (Mareykanka). Waxay ku taallaa waqooyi-dhexe ee dalka, una dhow xadka ay la wadaagto Kanada. Michigan waxay caan ku tahay inay ku hareeraysan tahay afar ka mid ah shanta Haro ee Waaweyn (Great Lakes): Lake Superior, Lake Michigan, Lake Huron, iyo Lake Erie.

  • Tirada dadka: Qiyaastii 10.1 milyan oo qof ayaa ku nool Michigan (qiyaasta sannadka 2025: 10,127,884).
  • Caasimadda gobolka: Lansing.
  • Magaalada ugu weyn: Detroit.
  • Gobolka ay ka tirsan tahay: Midwest, Maraykanka.
  • Gobollada deriska la ah: Wisconsin, Ohio, iyo Indiana. Sidoo kale waxay xuduud la leedahay gobolka Ontario ee dalka Kanada.

Michigan waxay caan ku tahay:

  • Warshadaha samaynta baabuurta ee Maraykanka, gaar ahaan magaalada Detroit.
  • Harooyin qurux badan, kaymo dabiici ah, iyo goobo badan oo loogu talagalay dalxiiska iyo madadaalada bannaanka.
  • Inay leedahay laba qaybood oo dhul ah oo kala ah Upper Peninsula iyo Lower Peninsula, kuwaas oo uu isku xiro Buundada Mackinac (Mackinac Bridge).

Websaaytkaan ayaa isana lagu soo bandhigay Haley taageerada aan shuruuda lahayn ee Yuhuuda https://haleyfacts.com/ taasoo keentay in shicibka codkooda siyaan El Sayed, tani waxay ka dhigantahay in ay tahay bilowgii dhamaadka taageerada Yuhuuda iyo ururkooda u ololeeya danaha Yuhuuda ee AIPAC, dagaalka Qaasa ee xasuuqa, barakicinta iyo gumaadka joogtada ah uu kaligay in Yuhuuda noqotay qori lama sitaan ah. Khubaro badan oo ku xeeldheer arrimaha siyaasada ay shegeen in shicibka Maraykanka hurdada ka tooseen oo haddii maanta doorasho dhacdo dhamaan siyaasi kasto oo taageero Yuhuuda uu ku hungoobi doono.