Axad 20/04/2025: SDU: Suudaan ayaa dacwo ashtako ah ka gudbisay wadanka Imaaraadka oo ay ku eedaysay in ay jabisay sharciyada iyo xeerarka la xiriira xasuuqa ka dib markii ay taageero u fidisay jabhada gabood fal ka geysatay wadanka Suudaan.
Maxkamada caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Dahayg[The Hague] ee wadanka boqortooyada Nederland ayaa sheegtay in ay ka gudoomeen nuqulka dacwada iyadoo eedaha lagu soo eedeeyey ay ka mid yihiin xasuuq dhac iyo boob, kufsi, iyo barakicin shicib laga barakiciyey halkii ay daganaayeen.
Suudaan eedaha nuqulka dacwadeed ku sheegtay in Imaaraadka ay taageero dhaqaale, mid hub iyo siyaasadeed siyaan Rapid Support Forces.
Imaaraadka ayaa gabood falo badan ka geystay meelo badan oo ka tirsan wadamada Carabta, sida Yaman,Liibiya, Soomaliya iyo Suudaan.
Suudaan ayaa dacwadeed ku eedaysay in Imaaraadka uusiiyo jabhada[Rapid Support Forces ] ee iyada taageerto ee gabood falada ka dhanka ah xuquuqda insaanka ka geystay meelo kala gedisan oo ka tirsan Suudaan, Dad iyo dowlado badan ayaa qabo in Imaaraadka ay noqdeen kuwa u addeega dano gaar ah oo noqday arxan laawayaal.
JSN
Isha warka : The Independent
Xiriir la leh qoraalkaan: https://en.wikipedia.org/wiki/United_Arab_Emirates_war_crimes