Arbaco 30-Abriil-2025 [SJN] – Dowladda Maraykanka ayaa looga soo riday toddobo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo dhowr milyan oo doollar midkiiba, tan iyo 15-kii Maarso iyagoo dul hee haabayoYaman, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah Isniintii. Isla markaasna, ciidamada badda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaarad dagaal oo qaali ah ay ka dhacday markab dagaal oo ku sugnaa Badda Cas.
Maraykanka ayaa billowday weerarro cirka ah oo ka dhan ah fallaagada Xuutiyiinta Yemen bartamihii Maarso. Diyaaradaha MQ-9 Reaper waxay leeyihiin awood u adeegsi sirdoon iyo weerarro toos ah – gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado hubka ay Xuutiyiintu u adeegsanayaan weerarada maraakiibta ganacsiga ee mara baabul mandab.
“Waxaa jiray toddobo diyaaradood oo MQ-9 ah oo laga soo riday tan iyo 15-kii Maarso,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin. Ma uusan caddeyn cidda ka dambeysay soo ridista diyaaradahaasi, hase yeeshee diyaarad kasta waxay ku kacaysaa ku dhowaad $30 milyan.
Dhanka kale, Ciidamada Badda Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad kale oo ah nooca F/A-18E ay si lama filaan ah uga dhacday markabka USS Harry S. Truman iyadoo la jiidayay, taasoo dhaawac u geysatay hal askari. Cagafkii jiidayay diyaaradda ayaa isaguna ku dhacay badweynta.
“Diyaaraddii F/A-18E waxaa si firfircoon loogu jiidayay gudaha markabka xilligaas, markaas ayay kooxda socodsiinaysa lumisay xakamayntii. Diyaaraddii iyo Cagafkiir-kii ayaa labaduba ku dhacay badda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay ciidamada badda Mareykanka.
Markabka iyo diyaaradaha kale weli way shaqaynayaan, waxaana baaritaan lagu wadaa dhacdadaasi, iyadoo aan la shaacin wax faahfaahin ah oo ku saabsan qorshaha dib u soo saarista qalabka dhacay.
Waa diyaaraddii labaad ee F/A-18 ah oo uu waayo markabka Truman muddo aan lix bilood ka badnayn, kadib markii mid kale si qalad ah ay u toogtay markab gantaalo hogaaminaya oo la yiraahdo USS Gettysburg dabayaaqadii sanadkii hore. Labadii duuliye ee diyaaraddaasi ayaa badbaaday.
USS Truman waa mid ka mid ah labo markab xambaarsan diyaarado dagaal oo Maraykanku ka howlgelinayo Bariga Dhexe, halkaas oo uu Maraykanku si joogto ah u weerarayo Xuutiyiinta.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa Axaddii sheegay in weerarrada Mareykanku ay beegsadeen in ka badan 800 bartilmaameed, ayna dileen boqolaal dagaalyahanno Xuutiyiinta ah, oo ay ku jiraan xubno sare oo ka tirsan hoggaankooda.
Warbaahinta Xuutiyiinta ee ku sugan Yemen ayaa Isniintii sheegtay in weerar Maraykanku ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriin ku taalla caasimadda Sa’da uu ku dilay ugu yaraan 68 qof.
Aroornimadii Talaadada, kanaalka fallaagada Al-Masirah ayaa sheegay in laba duqeyn lagu qaaday degmada Bani Hashish, oo ku taal waqooyi-bari magaalada Sanca, sida uu sheegay maamulka gobolka.
Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan ayaa billaabay weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga dhammaadkii sanadkii 2023, iyagoo sheegay inay muujinayaan garab istaagooda Falastiiniyiinta Qaasa, halkaasoo ay Yuhuuda ka wado xasuuq iyo barakicin ka dhan ah dadka iyo dalka Falastiin.
Weerarada Xuutiyiinta ayaa si weyn u carqaladeeyay isticmaalka kanaalka Suez, oo ah marin muhiim ah oo laga isticmaalo ku dhowaad 12% ganacsiga maraakiibta adduunka.
Mareykanka ayaa markii ugu horreysay weerarada ka dhan ah Xuutiyiinta billaabay xilligii Madaxweyne Biden. Madaxweyne Donald Trump oo dib xafiiska ugu soo laabtay bishii Janaayo 2025, ayaa ballan qaaday in weerarradaasi ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’iyo khatarta ay ku hayaan badaha iyo maraakiibta.
SJN
Xiriir la leh qormadaan:
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl