Madhabta Katooliga oo dooratay Oday Ameerikaan ah

Jimco, Maajo 9, 2025 (JSN): Madhabta Katooliga ayaa geeridii odaygii hore Boob Faransis, dooratay boob Ameerikaan ah oo la yiraa Robert Prevost, waa 69 jir Ameerikaan ah.

Halka uu ku dhashay iyo asalkiisa

Wuxuu ku dhashay magaalada JIkaago[Chicago] ee gobolka Ilaanooy[Illinois,] Maraykanka 14/09/1955 waalidkiisna ay ahaayeen kuwa ka soo kala jeeda wadamada Talyaaniga, Faransiiska iyo Isbaayn. Waxaa la dhashay labo wiil oo ay walaalo yihiin.

Wuxuu ka tirsanaa xerta Faransiiskaan.

Waxbarashadiisa

Wuxuu wax ku bartay isla wadanka Maraykanka isagoo qaatay Bachelor in Math.

Shaqada

Waxaa loo diray kana soo shaqeeyey wadanka Peru oo ka tirsan Koonfurta Qaarada Ameerika qaasatan magaalada Trujillo halkaasuu mudo ka soo shaqeeyey.

Waa markii ugu horeysay ebed taariikhda madhabta Katooliga nin ka soo jeeda wadanka Maraykanka loo doorto.

Dad khubaro ah oo ku xeeldheer arrimaha madhabta Katooliga ayaa sheegay in doorashadaan ay tahay mid lama filaan ah oo siyaasada salka ku hayso.

JSN

Wixii aqbaar intaas dhaafsiisan nalaga soo xiriir : info@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *