Dowlada Soomaaliya oo agab militeri ka heshay wadanka Maraykanka

Jimco, Maajo 9, 2025 (JSN): Dowlada Soomaaliya ayaa sida lagu baahiyey warbaahinta lagu sheegay in ay agab militeri ka heshay [AfRICOM] oo dowlada Maraykanka u qaabilsan arrimaha qaarada Afrika.

Lama sheegin agabka militeri wuxuu ka koobanyahay balse waxaa la soo bandhigay kombiyuutaro laabtoobyo ah oo xaflada wareejinta ka muuqday,

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay agabkaan looga hortagi doono xarrakada Al shabaab laguna xoojin doon Danab oo ah cutub uu Maraykanka si gaar u tababaray, waxaa kaloo ciidamada Maraykanka ay dayactir ku sameeyeen Balidoogle oo horay u ahaan jiray gegi dayuuradeed ee ciidamada cirka ee Soomaliya balse hadda saldhig ciidamada Maraykanka.

Africom ayaa ah ciidan u dhigma sida kuwa Faransiiska ee loo yaqaan Lejineeerka kuwaasoo dhamaantood u soo shaqo tagay in ay illaaliyaan danaha wadamada ay ka soo jeedaan sida khayraadka qaarada Afrika ceegaaga oo ay Afrikaankana ka hurdaan.

Wixii aqbaar intaas dhaafsiisan nalaga soo xiriir : info@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *