Banaanbax loogu soo horjeedo dowlada Nederland ee xasuuqa Qaasa

Axad 18 Maajo 2025 [JSN]: Waxaa loo gudbiyey arjiyo wadajir 37 kun qofood ku saxiixanyihiin oo ay uga soo horjeedaan dowlada Nederland in ay afka ku furaysato arrinta la xiriirta xasuuqa, barakicinta iyo burburinta Qaasa in ay mowqif adag ka qaadato.

Banaanbaxaan ayaa imaanayo mar ay maanta u dabaaldegayaan hay ada u ololeyso Yuhuuda Nederland [CIDI] oo 50 jirsatay, xafladaan oo lagu qabanaayo maanta Axad 18/05/2025 het Koninklijk Instituut voor de Tropen (KIT) taasoo la sheegay in dhismahaan rinji cas lagu buufiyey gidaaradiisa taasoo tusaalaynaysa xasuuqa, barakicinta iyo burburinta lagu haayo reer Qaasa.

Duqa magaalada Amsterdam Marwo Halsema ayaa mamnuucday in lagu banaanbaxo halka sannaduugarada CIDI ee 50 naad, balse oggolaatay meel sidaa aan uga sii fogayn lagu banaanbixi karo.

Banaanaxayaasha oo ah dad Yuhuud ah oo sheegay Magacayga lagu fulinmaayo xasuuqaan ama [Not in my name’ en ‘Tegen genocide] oo ah dad Yuhuud ah oo sheegay in hay adaan aysan ka hadlin xasuuqa iyo barakicinta ka socoto Qaasa sheegeena in ay taageersanyihiin siyaasiyiinta Yuhuuda dambiilayaasha ah ee dowlada Israaiil.

Waxaa ka mid ah dadka lagu martiqaaday oo xafladaan ka hadli lahaa Ayaan Xirsi iyo madaxa hore ee hay ada sirdoonka qaybta Militeriga ee Israaiil Amos Yadlin.

Waxaa kaloo isla maanta ka dhacayaan banaanbax ay soo qabanqaabisay hay ada xuquuqda insaanka Amnesty International, waxaa lagu balamay in la soo qaato dhar cas ama guduudan kaasoo ka tarjumaya xasuuqa iyo dhiiga sida xaqadarada ah loogu daadinaayo ee dadka reer Falastiin ee Qaasa.

JSN

Xiriir la leh qormadaan:

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *