Dowlada Maraykanka ayaa dul dhigtay abaalmarin 5 Malyuun oo Doolarka Maraykanka ah
cidii soo gudbiso halka ay joogto, Maraykanka ayaa ku eedeeyey haweeneydaan
Magaceeda lagu sheegay in la yiraa Khadra Ciise arrimo la xiriiro ku biirid urur argagixiso, u riyaaqid ismiidaamin ah iyo afduub carruureed.
Haweeneydaan ayaa la sheegay in ay Nederland isaga tagtay 2014 iyadoo aaday wadanka
Suuriya halkaas oo sida warkaan uu dhigayo ku biirtay IS.
Khadra Ciise waxay haysataa dhalashada wadanka Nederland magaca kale ee loogu yeero
ayuu warka dhigayaa in loogu yeero Uma Qaqa Al Somali.
Khadra waxaa la sheegay in ay tahay macalin shareecada qaybta dumarka ee Nusaybah Katibah (ISIS-NK) u qaabilsan IS
Eedaha loo haysto ee lagu soo oogay ayaa Maraykanku uu sheegay in ay yihiin u riyaaqid ismiidamin ama dadka naftooda haliga , dilka maato aan waxba geysan iyo afduub carruur haysta dhalashada Maraykanka in ay afduubtay.
Wasaarada arrimaha dibada ee wadanka Nederland ayaa sheegtay in ay wax aqbaar ah ee
la xiriiro Khadra aysan hayn
JSN
Isha Warka: NOS
Xiriir la qormadaan: Ma hayno