Arbaco 04-Juunyo-2025 [JSN]:
Dowladda Netherlands ayaa dhacday ka dib markii hoggaamiyaha midigta-fog, Geert Wilders, uu xisbigiisa kala baxay isbaheysiga xukunka sababo la xiriira khilaaf ka taagan siyaasadda socdaalka iyo magangalyada.
Ra’iisul wasaaraha, Dick Schoof, ayaa Talaadadii is-casilay isaga iyo golihiisa wasiirrada oo jiray 11 bilood, isagoo warqaddiisa is-casilaadda u gudbiyay Boqor Willem-Alexander. Wasiirrada hadhay waxay sii ahaan doonaan xil-sugayaal ilaa doorashooyinka cusub, kuwaas oo la filayo inay dhacaan bisha Oktoobar.
“Waxaan go’aansanay in hadda aysan jirin taageero ku filan oo dowladdan sii socon karta,” ayuu Schoof u sheegay wariyeyaasha magaalada The Hague kadib kulan degdeg ah oo golaha wasiirrada ah. Wuxuu intaas ku daray in go’aanka Wilders uu yahay “mas’uuliyad-darro iyo mid aan loo baahnayn.”
Wilders, oo xisbigiisa xag-jirka ah ee cunsuriyadda iyo ka soo horjeedka Islaamka ee Freedom Party (PVV) uu noqday midka ugu weyn baarlamaanka doorashadii u dambeysay, ayaa sheegay inuu “la dagaallami doono si PVV ay u noqoto mid xitaa ka xoog badan” doorashada soo socota, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono ra’iisul wasaaraha xiga.
Wilders wuxuu Talaadadii hore sheegay in dhammaan wasiirrada xisbigiisa ay ka bixi doonaan dowladda, kadib markii saddexda xisbi ee kale ee isbaheysiga ay diideen qorshayaashiisa xag-jirka ah ee socdaalka.
“Anigu waxaan ogolaaday inaan hirgeliyo siyaasadda ugu adag ee magangalyada, ma ahayn inaan dhaco Netherlands,” ayuu yiri. Toddobaadkii hore, wuxuu ka digay in haddii aan la aqbalin qorshihiisa, xisbigiisa PVV – oo leh 37 kursi – uu “ka bixi doono golaha wasiirrada.”
Go’aankiisa wuxuu yimid kadib kulan kooban oo ay yeesheen madaxda isbaheysiga siyaasadeed ee daciifka ahaa – isbaheysi markii ugu horreysay uu qayb ka yahay PVV – kaas oo si joogto ah ugu dhibtooday gaarista heshiisyo tan iyo markii la dhaariyay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.
Isbaheysigan wuxuu ka koobnaa PVV, xisbiga beeraleyda iyo shacabka (BBB), Xisbiga Heshiiska Cusub ee Bulshada (NSC), iyo xisbiga garabka midig ee dimoqraadi ah VVD. Waxaa qaatay ku dhawaad lix bilood in la dhiso isbaheysigan, waxaana si isdaba joog ah u wiiqay Wilders, oo aan xubin ka ahayn golaha wasiirrada.
Wuxuu rabay in dowladda la meelmariyo qorshe 10-qodob ah oo si weyn u yareynaya socdaalka iyo magangalyada, oo ay ku jiraan adeegsiga milateriga si loo ilaaliyo xuduudaha, dib-u-celinta magangalyo-doon kasta ee yimaada, iyo xiritaanka xarumaha qaxootiga.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dhammaan qaxootiga Suuriya dib loo celiyo, in la hakiyo nidaamka magangalyada Midowga Yurub, iyo in la mamnuuco in qoysaska qaxootiga hore u yimid ay la midoobaan. Khubaro sharciyeed ayaa sheegay in qodobo badan oo ka mid ah qorshihiisa ay jebinayaan xeerarka xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay, oo ay Netherlands saxiixday.
Xisbiyada kale ee isbaheysiga waxay si caro leh uga falceliyeen go’aanka Wilders. Hoggaamiyaha VVD, Dilan Yeşilgöz, ayaa sheegtay in ra’iisul wasaare Schoof uu ka codsaday afarta hoggaamiye xisbi inay si mas’uuliyad leh u dhaqmaan ka hor kulankii Talaadada.
“Wuxuu noo sheegay in aan wajahayno caqabado caalami ah oo waaweyn, dagaal ayaa ka socda qaaraddeenna, khatar dhaqaale ayaa laga baqayaa,” ayay tiri Yeşilgöz, iyadoo intaas ku dartay inay “si aad ah ula yaabtay” go’aanka Wilders, kaas oo ay ku tilmaantay “mas’uuliyad-darro aad u weyn.”
Yeşilgöz waxay sidoo kale tiri: “Waxaan haynay aqlabiyad midig ah, isagaa dayacay, dantiisa ayuu eegayaa. Waxa uu rabay buu sameeyay … Arrintan waxay naga dhigeysaa doqonno. Wuu ka cararay, xilli ay jirto hubanti la’aan aan horay loo arag.”
Caroline van der Plas oo ka tirsan BBB waxay sheegtay inay aad uga carootay, iyadoo tiri: “Ma uu dooran dalka Netherlands, wuxuu doortay Geert Wilders.” Nicolien van Vroonhoven oo ka tirsan NSC waxay ku tilmaantay tallaabadaas mid “aan la rumeysan karin oo aan la fahmi karin.”
Xubnaha kale ee isbaheysiga ayaa si aragti ahaan ah u sii wadi kari lahaa inay xukunka sii hayaan iyagoo tiradoodu yaraatay, balse inta badan waxay doorbideen in doorasho degdeg ah la qabto. “Dalka wuxuu u baahan yahay dowlad adag oo mowqifkeedu cad yahay ayay tiri Yeşilgöz. “Doorasho waa in si degdeg ah loo qabtaa.”
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl