Dowladdii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Dick Schoof ayaa si rasmi ah u dhacday kaddib 11 bilood oo kaliya oo ay jirtay. Waxaa burburka sababay ka bixitaankii xisbiga midigta-fog ee PVV, hogaankiisana uu hayay Geert Wilders — siyaasi muddo dheer lagu yaqaan fikirkiisa mayalka adag iyo xeeladaha siyaasad qas iyo buuq leh ku saleysan.
Dick Schoof, oo ahaa nin khibrad u leh dhanka ammaanka iyo maamulka hay’adaha dawladeed, balse aan horey ugu jirin siyaasadda xisbiyada, ayaa markii ugu horreysay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo dhiibay iyadoo la filayay inuu noqdo wajiga deggan ee xukuumad aan caadi ahayn. Laakiin sida ay falanqeeyayaal badan tilmaameen, la’aanta khibrad siyaasadeed iyo fahamka is-dhexgalka xisbiyada, waxa uu ku guuldareystay inuu mideeyo isbahaysigii jilicsanaa ee uu hogaaminayay.
Geert Wilders, oo xisbigiisu ahaa kan ugu kuraasta badan, haddana aan la haynin kursi ra’iisul wasaare, ayaa si cad ugu muujiyay inuu doonayo in xukuumaddu ku shaqeyso aragtidiisa keli ah. Markii lagu diiday qorshihiisa adkaa ee socdaalka iyo qaxootiga, waxa uu doortay inuu burburiyo isbahaysiga, isagoo eedda dusha ka saaray xubnaha kale. Tani waxay muujineysaa in Wilders uu si miyir leh u qorsheeyay burburka si uu dib ugu galo doorasho isagoo isu muujinaya in lagu xannibay “isla-weyni siyaasadeed”.
Sidoo kale, siyaasiinta kale ee ka tirsanaa isbahaysiga — gaar ahaan kuwa VVD, NSC iyo BBB — ayaa si dadban ugu lug lahaa dhicitaanka dowladda. Inkastoo ay ogayeen in xukuumaddu tahay mid aan xasilloonayn oo ay u badan tahay inaysan muddo dheer socon, haddana danahooda xisbiyadeed iyo siyaasadooda gaarka ah ayay ka hormariyeen danta guud ee dalka. Waxaa la dhihi karaa: “Waxay u arkeen arrinta sida ay iyaga u saameyneyso, ma ahayn sida ay dalka u saameyneyso.”
Xukuumaddaas oo muddo sideed bilood laga shaqeynayay sidii loo dhisi lahaa, haddana wax ka yar sannad ayey burburtay, taasoo caddayn u ah sida kalsoonida iyo wada shaqeynta siyaasadeed ee Nederland ay u daciiftay. Waxaa hadda dalka ku soo wajahan doorashooyin cusub — balse waxa isweydiinta mudan ayaa ah: ma la helayaa xukuumad leh mowqif adag, himilo qaran iyo hoggaan mideysan?
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl