Guddiga Doorashooyinka ee dalka Nederland ayaa maanta shaaciyey in doorasho guud la qaban doono 29-ka Oktoobar 2025, kadib markii dowladdii Ra’iisul Wasaare Dick Schoof ay ku dhawaaqday iscasilaadiisa shalay, taasoo si rasmi ah looga aqbalay.
Iscasilaadda Ra’iisul Wasaare Schoof ayaa la xiriiraysa dhacdada muranka leh ee ka dhacday xisbiyada xulafada ee uu hoggaaminayay, iyadoo Geert Wilders, hogaamiyaha xisbiga PVV, uu ka baxay isbahaysigii uu kula jiray xisbiyadii kale ee xukuumadda.
Geert Wilders ayaa waxaa uu culeys siyaasadeed ku keenay dowlada iyadoo si toos ah u qaadaya siyaasado adag oo ka dhan ah Muslimiinta, gaar ahaan kuwa magangalyadoonka ah, isagoo soo rogay shuruuc aan waafaqsaneyn xuquuqda aadanaha, taasoo si cad u dhaawici karta sharciyada gudaha iyo kuwa Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaare Dick Schoof ayaa si ku meel gaar ah u sii wadi doona xilka ilaa doorashada dhacdo, sida qorshuhu yahay ee 29-ka Oktoobar 2025.
Dowladda iyo xisbiyada qaar ayaa ku dooday in doorashada si degdeg ah loo qaban doono si loo xalliyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
JSN
Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl