Nederland oo go aansatay in ay Israaiil ka iibsato sawaariikho ay ku bedelsho Tomohawk

Nederland ayaa sheegtay in ay ku hubayn doonto maraakiibteeda quusa biyaha hoostooda ee loo yaqaan [Submarine] gantaalada meelaha fog wax ka dila ee Tomahawk Misiles , Tomahawk Misiles waxaa samayso shirkada Rytheon ee Maraykanka.

Gantaalaha laga tuuro maraakiibta quusta oo wax ka dili kara masaafo dhan 1000 km, oo qorshaha uu ahaa in lagu qalabeeyo gantaaladaan ayaa la sheegay in ay diyaar ahayn sababo aan la shaacin.Wasiirka hore ee difaaca Nederland Mudane: Gijs Tuinman ayaa u diray aqalka 2aad ee Baarlamaanka Nederland 17-Juunyo-2025.

Nederland ayaa sheegtay in ay kamid tahay Joint Strike Missile (JSM-SL) oo ah dowlado reer Yurub ah oo iska kaashan doono sidii ay usamaysan lahaayeen hubkooda qaasataan sawaariikhaha meelaha fog wax
ka toogta. waxaa hadda loo doortay shirkada hubka ee Noorweey Kongsberg. Iyadoo iskaashigaan jiro hadana Nederland waxay dooratay in ay wadanka Israaiil shirkadeeda Israel Aerospace Industries (IAI) ka iibsato.sawaariiqaha. Wasiirka ayaa sheegay in Israel Aerospace Industries (IAI) ay tahay tan kaliya ee buuxisay shuruudaha loo baahnaay, sida sawariikhaha difaaca cirka, ee masaafada fog wax ka toogan kara iyo khalabka loogu talagalay in ay qalqal geliyaan qalabka elektarooniga sida raadarada iyo isgaarsiinta.

Iyadoo sidii uu xukunka ula wareegay M/weyne Trump in uu ku handaday Midowga Yurub in ay kordhiyaan kharashkooda ay difaaca uga talagaleen taasoo keentay in Midowga Yurub ay qaadeen talaabooyin ay uga maarmi karaan Maraykanka oo hadda ah wadanka ugu xooga weeyn uguna ciidamo iyo qalab badan.

M/weyne Trump ayaa la yimid baacsi arrimo aan Maraykanka horey looga baran. Inkastoo u uyiraahdo [America First] hadana dhaqankiisa dhinac marka sharciga wadanka Maraykanka udajisan iyo shaqo u dhiibida maalqabeenka Elon Musk in hay adaha dowlada baaritaano ku sameeyo isagoo qof shicib ah xogaha dowladana laga yaabo in uu adeegsado sidii uu dhaqaale badana uga sameeyn lahaa iyadoo cid kontooroosha aysan
jirin.

Shicibka Nederland oo sameeyey banaanbaxyo waaweeyn oo ay dowladooda uga dalbanayaa in ay qaraar ka soo saarto oo cunaqabatayn kusoo rogto mowqifkeedana cadayso la xiriira xasuuqa,barakicinta iyo burburinta shicibka reer Falastiin, dowlada Nederland siyaayiinteeda,iyo aqalka boqortooyada cid ka hadashay ma jirto, wax aan ka ahayn, Israaiil xaq bay u leedahay in ay is difaacdo, iyadoo xasuuq wado, hadana waxay hadda si gardaro ah ugu duushay wadanka Iiraan.

Kaligii taliye Geert Wilders[PVV] oo ah taageeraha ugu weeyn ay Israaiil ku leedahay Nederland ayaa dowladii Nederland kalsoonidii kala noqday xisbigiisa [PVV] halkaasoo ay sababtay in dowladii Nederland ay dhacdo oo hadda wadanka ay hayso dowlad ku meel gaar ah inta laga gaarayo 29-Oktoobar-2025.

JSN

Isha: editorial

Wixii faah faahin nagala soo xiriir editorial@somalidutchuk.nl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *