Guusha senadka Maraykanka ee Abdul El-Sayed ee gobolka Michigan

Arbaco: 5-Agoosto-2026: JSN: Isbedel weeyn oo aan la filayn ayaa ka dhacay gobolka Michigan ee wadanka Maraykanka oo markii ugu horeysay uu ku guulaystay nin aan la filayn oo dhakhtar hore u ahaa lana yiraa Abdul El-Sayed ayaa ka guulaystay Haley Steven oo kursiga haysatay illaa 3/1/2019. oo ahayd haweeney u janjeerta dhanka Yuhuuda ayaa booskeedii ku weysay, balse sii baahisay in ay la shaqayn doonto

Haley Maria Stevens ayaa xilka senadka ay ka hayso Michigan bilowday sannadkii January 3, 2019, illaa looga guulaystay waxay ugu yeereen Primary election, Haley waxay ku matashaa xilka xisbiga Dimoqraadiga oo ka mid ah labada xisbi ee wadanka Maraykanka Dimoqraadiga iyo Republican.

Abdul El-Sayed oo horay u ahaa dhakhtarka sida ay sheegayaan sida ay warbaahinta Maraykanka lagu baahiyey, El Sayed oo ah muwaadhin Maraykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Masara.

Lama filayn in uu ku guulaysto cid aan taagero ka helayn ururka u ololeeya Yuhuuda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan AIPAC oo dhaqaale badan ku bixiya siyaasada Maraykanka, tani waxay ka dhigantahay in Yuhuuda gabalkoodii uu sii dhacayo shicibka Maraykanka iyo adduunka intiisa kale laga nacay ayna tahay bilowgii dhamaadka AIPAC.

Wabixin kooban ee gobolka Michigan ee wadanka Maraykanka

Michigan waa gobol ku yaalla gobolka Midwest ee dalka Maraykanka (Mareykanka). Waxay ku taallaa waqooyi-dhexe ee dalka, una dhow xadka ay la wadaagto Kanada. Michigan waxay caan ku tahay inay ku hareeraysan tahay afar ka mid ah shanta Haro ee Waaweyn (Great Lakes): Lake Superior, Lake Michigan, Lake Huron, iyo Lake Erie.

  • Tirada dadka: Qiyaastii 10.1 milyan oo qof ayaa ku nool Michigan (qiyaasta sannadka 2025: 10,127,884).
  • Caasimadda gobolka: Lansing.
  • Magaalada ugu weyn: Detroit.
  • Gobolka ay ka tirsan tahay: Midwest, Maraykanka.
  • Gobollada deriska la ah: Wisconsin, Ohio, iyo Indiana. Sidoo kale waxay xuduud la leedahay gobolka Ontario ee dalka Kanada.

Michigan waxay caan ku tahay:

  • Warshadaha samaynta baabuurta ee Maraykanka, gaar ahaan magaalada Detroit.
  • Harooyin qurux badan, kaymo dabiici ah, iyo goobo badan oo loogu talagalay dalxiiska iyo madadaalada bannaanka.
  • Inay leedahay laba qaybood oo dhul ah oo kala ah Upper Peninsula iyo Lower Peninsula, kuwaas oo uu isku xiro Buundada Mackinac (Mackinac Bridge).

Waa markii ugu horeysay ebed ee AIPAC iyo hantilayda looga guulaysto taasoo ka caraysiisay Madaxweyne Trump inkastoo wax uu ka qaban karo aysan jirin isagoo cad noqday oday iska tac tacle noqday

Waa socotaa ………