Wasaarada gaashaandhiga Nederland oo raadinayso shaqaale ka hortaga iyo illaalinta amniga shabakada internet-ka

Axad 20/04/2025 SDU: Wasaarada gaashaandhiga Nederland ay ku dhawaaqday in ay rabto in ay
kordhiso shaqaale tayo iyo xirfad leh oo loo tababaro ka hortaga iyo illaalinta shabakada internet-ka.

Waxaa sii badanaayo ku tiirsanaanshaha shabakada internet-ka dhinacyo badan oo
bulshada Nederland haday noqon lahayd, iyadoo weerar ku yimaado iyadoo aan lahayn wixii badali lahaa keeni karto cawaaqib xumo la soo darista dalka iyo dadk Nederland.

Iyadoo raisal wasaarihii hore Mark Rutte ee Nederland hadana ah madaxa gaashaanbuurto Naato ayaa sheegay in dagaalka ka socda Yukrayn ku sheegay in dagaalkaas uu yahay dagaalkoodii intii majaraha wadanka Nederland haayey. Wuxuu kaloo sheegay in dhaqaalaha Nederland dhaqaale dagaal ama wuxuu ugu yeeray [oorlog economie]. Mark Rutte wuxuu noqday R/wasaarihii ugu mudada dheeraa ee abid soo mara wadanka Nederland isagoo hadana la jeclayn.

Wax kala iibsiga shabakada internetka [Online shopping]
Waxbarashada
Caafimaadka
Gaadiidka cirka rayidka
Gaadiidka cirka Militariga
Gaadiidka badda ee rayidka
Gaadiidka dhulka rayidka iyo militariga
Gaadiidka badda ee Militariga
Bangiyada
Lacagaha dijitaalka ah
Hay adaha dowlada
Ganacsiyada iwm.

Wadamada Midowga Yurub oo ay xulufo iskula jiraan gaashaanbuurto Naato ayaa madaxweynaha Maraykanka odayga 78 jirka ah ee Trump qaabka uu ula dhaqmay xulufada Naato galisay cabsi hor leh taasoo keentay in Yurub ay ka talo baxdo wadanka Maraykanka kuna dhaqaaqdo sidii ay uga kaaftoomi lahayd Maraykanka.

Xurgufta Maraykanka iyo wadamada reer Yurub ay isku maandhaafeen oo ka dhalatay kala qaybsiga saamiga macaadinta Yukrayn oo midwalba rabo in uu helo saami sadbursi ah oo la isku maandhaafay, taasoo keentay in xurguf soo kala dhexgasho, laakiin heshiis lagu yahay sidii Yukreeyn loo furan lahaa khayraadkeeda dabiiciga ah.

Waxay u muuqataa in Yurub ay si weeyn ugu tiirsantahay wadanka Maraykanka dhinacyo badan sida gaadiidka cirka
ee rayidka, kan gaashaandhiga iyo borogaramaada ku shaqeeya kombiyuutarada oo ay saddex shirkadood oo
Maraykan ah ay hormuud ka yihiin sida Microsoft, Google, iyo Amazon web services oo la isctimaalo tiknoolajiyadooda Cloud computing, taas ayaana ah sababta keentay in la helo wax u badali karo dhamaan ku tirnaanshaha Maraykanka oo ay xal u raadinayaan inkastoo si fudud aan lagu dhamayn karin, laakiin in xal loo helo la isku raacay.

JSN

Isha warka: NOS

Xiriir la leh qormadaan: Ma hayno

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *